Taageerayaasha Cabdi Ilay Oo Shaki Galiyay Jinsiyadda Axmed Shide

0
834 views
Taageerayaasha Cabdi Ilay Oo Shaki Galiyay Jinsiyadda Axmed Shide

Taageerayaasha Cabdi Ilay Oo Shaki Galiyay Jinsiyadda Axmed Shide
Jigjiga(Sayruuq) Wasiirka warfaafinta iyo isgaadhsiinta dawladda Federalka Itoobiya ayaa dhawaan loo magacaabay guddoomiyaha xisbiga Soomaalida Itoobiya ka arrimiya kursigaas oo uu hore ugu fadhiyay Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay) oo hadda aan la ogayn mustaqbalkiisa kadib markii Federaalku geeyay Addis Ababa. Axmed Shide waxa la filaya in kursiga loo magacaabay gogol xaadh u yahay in uu noqdo madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya(DDSI).
Haddaba waxa la dhawrayay sida nidaamkii Cabdi Ilay arrintan u arko waxaana boggiisa Facebook arrintan kaga hadlay Idiris Ismaaciil oo ah wasiirkii warfaafinta ee xukumaddii Cabdi Ilay waxaanu tilmaamay in ay gabi ahaan khaldan tahay magacaabista Axmed Shide oo uu laba arrimood u cuskaday kuwaas oo kala ah in aanu dawlad degaanka taageero ka haysan iyo in aanay hubin jinsiyaddiisa taas oo u muuqata in ay Soomaalinimadiisa shaki ka qabaan.
“Magacaabidda ra’isal wasaare Abiy Axmed u magacaabay Axmed Shide guddoomiyaha xisbiga Soomaalida Itoobiya waa tallaabo gabi ahaanba khalad ah, maxaa yeelay ninka lagu magacaabo Axmed Shide taageero kama haysto dadkayaga. Marka ma waxa uu xisbiga ka maamulaya Addis Ababa halkaas oo ah meesha kaliya ee uu ka hawlgali karo. Sidoo kale Axmed Shide waxa haysta mushkilad dhanka jinsiyadda ah, xattaa ma xaqiinin karno jinsiyaddiisa/ dhalashadiisa,” Sidaas ayuu yidhi Idiris Ismaaciil.
Waxa kale oo uu sheegay in ay khalad tahay tallaabada Dr Abiy Axmed haldoorka xisbiga iyo xukumaddii Cabdi Ilay ugu yeedhay Addis Ababa si khilaafaadka loo xalliyo halkii ay ahayd in Jigjiga lagu xalliyo arrimahooda.
Lama Oga in eeddan cusub ee kaadiriintii Cabdi Ilay ku weerareen la xidhiidho Axmed Shide oo aan ka soo jeedin bulshada Ogaadeen iyo in ay tuhunsan yihiin in uu u janjeedho dhanka Dr Abiy Axmed.

Source: Idris Ismail

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.