Taageerada Ruushka & Imaaraadku Waxay Horseedaysa Citiraafka Somaliland

0
1,177 views
Taageerada Ruushka & Imaaraadku Waxay Horseedaysa Citiraafka Somaliland
Wasiirka arrimaha dibada Somaliland iyo safiirka Ruushka 2017

Taageerada Ruushka & Imaaraadku Waxay Horseedaysa Citiraafka Somaliland

Wargeyska Mail & Gaurdian ee ka soo baxa South Africa ayaa sheegay in khilaafka madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo guddoomiyihii iscasilay ee Jawaari ka dhashay heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland, islamarkaana sumcaddii iyo farxaddii lagu doortay Farmaajo hadda dhulka gashay. Wargeyska ayaa muujiyay in lagu hungoobay hoggaamintii laga filayay Farmaajo oo si weyn loo soo dhaweeyay doorashadiisa sanadkii hore.

Wargeyska ayaa warbixin uu xiisadda Soomaaliya ku faalleeyay ku sheegay in ay Muqdisho ku loolamayaan quwadaha Turkiga iyo Qadar oo dhinac ah iyo Imaaraadka iyo Sucuudiga oo dhinac ah laakiin, arrinta ay uga sii dartay lacag Imaaraadku leeyahay oo lagu qabsaday Muqdisho. Somalia ayaa u aragta in lacagta lagu laaluushayay siyaasiyiinta Soomaaliya halka Imaaraadku sheegay in ay ciidamada Somalia mushahar u ahayd.

Wargeyska ayaa sheegay in xiisadda u dhexaysay guddoomiyaha baarlamaanka iyo xukumadda Farmaajo salka ku haysay heshiiska dekedda Berbera ee DP World. Waxa uu sheegay in Somaliland ka degan tahay, ka dimuqraadisan tahay kana hodansan tahay Somalia.

Wargeyska ayaa sheegay in heshiiska shirkadda DP World ee dekedda Berbera, saldhiga Militari ee Imaaraadka iyo wada hadal u socda Somaliland iyo Ruushku dhabbaha u xaadhayaan aqoonsiga Somaliland “Taageero uga timaadda Imaaraadka iyo Ruushku waxay si weyn u xoojinaysa qaddiyadda aqoonsi raadiska ee Somaliland,” Sidaas ayaa warbixinta lagu yidhi waxaana lagu sheegay in Ruushku Somaliland kula jiro wada hadal ku saabsan saldhig Militari.

Hadal Haynta Saldhigga Ruushka Ee Saylac Oo Xoogaysatay

Diidmadii heshiiskan uu kala horyimid Prof Jawaari oo golihiisa si degdeg ah u horgeeyay qaraar DP World lagu mamnuucayo ayay ka xanaaqday xukumadda Farmaajo waxaana weerar aan arxan lahayn lagu asqeeyay Jawaari oo lagu khasbay in uu iscasilo.

Source:Somalia’s new regime flounders

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.