Suxuf Yoonis Cali Nuur Oo Geeriyooday

0
491 views
Suxuf Yoonis Cali Nuur Oo Geeriyooday

Suxuf Yoonis Cali Nuur Oo Geeriyooday

Alle ha u naxariistee wariyihii ruug caddaaga ahaa ee Yoonis Cali Nuur ayaa ku geeriyooday magaalada London ee carriga Ingiriiska sida uu BBC-da u xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo.

Yoonis oo hadda ahaa la taliyaha wasiirka warfaafinta ayaa muddooyinkii u dambeeyay xanuunsanayay waxaanu hadda muddo bil ah ugu maqna Ingiriiska arrimo caafimaad isaga oo dhakhtar halkaasi ku yaal ku geeriyooday.

Yoonis ayaa wakhti dheer ka soo shaqaynayay saxaafadda isaga oo horraantii 1970s ku biiray idaacaddii Radio Muqdisho markii dambena 1983 ku biiray idaacadda BBC-da oo uu ka shaqaynayay ilaa afar sanno ka hor uu beeshan ka noqday. Waxa uu sanadihii u dambeeyay Somaliland ka qabanayay arrimo dhanka saxaafadda ah oo aqoon korodhsi u badan.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.