Somali News Suldaan Xasan oo Raallin galin bixiyay By admin - January 14, 2018 0 1124 Share on Facebook Tweet on Twitter Suldaan Xasan oo Raallin galin bixiyay kadib markii uu Burco ka sheegay hadallo uu sheegay in uu ku kaftamay oo ku saabsan isbahaysiga siyaasadeed ee ka dhexeeya beelaha Subeer Awal iyo Habarjeclo. Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi ayaa mar uu ka hadlayay magaalada Burco wuxuu u mahadceliyay beesha Bariga Burco oo uu sheegay in ay u celisay abaal uu ula jeedo in ay codka siiyeen Madaxweyne Muuse. Qoraal uu Suldaanku ku baahiyay boggiisa Facebook ayaa u dhigna sidan: BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM SCW Salaanta islaamka kabacdi GUUD AHAAN Shacbiweynaha reer somali land gudo iyo debadba waxaan karaali galinayaa raali galin buuxda hadalkii maanta khudbadii burco aan kajeediyay oo turjumaad khaldan lagu tafsiiray sixun wax usheeg sixir kadaran runtii hadalkani waxaa uu daba socday hadalo kaftana ilmaadeertu way kaftamaan caawa fiidkii waxaa igu soo dhacay kumanaan telefoon oo dad wax garadi gudo iyo debadba igala soo xidhiidheen talo iyo war soomalidu waxay tidhaa war lahelyaa talo la hel cidii uu carabkaasi muday suldaanbaan u ahay waxaan kashaqeeyaa walaalayntooda midnimadooda hadiiba meel ay wax ka dhacaan gogashaydu waa duubantay oo nabadaan kashaqeeyaa ugumana talo galin in maatada lagu dhextuuro weedho kaftan kubaxay sidaa daraadeed waxaan umada ku wargelinayaa inay sidaa kubiyo cabaan raali galintaasi sixid unoqoto soomaali land idaylkeed waa walaalo xiligii tartankiina waa dhamaaday waxaan kuboorinayaa isku duubni midnimo walaalnimo alaa mahadleh Facebook-ga Suldaanka Share this:Click to share on Facebook (Opens in new window)Click to share on Twitter (Opens in new window)Click to share on LinkedIn (Opens in new window)Click to share on Pinterest (Opens in new window)Click to print (Opens in new window)Click to email this to a friend (Opens in new window)Like this:Like Loading... Related Comments comments