Suldaan Xasan Oo Ka Hadlay Colaadda Tukaraq

0
614 views
Suldaan Xasan Oo Ka Hadlay Colaadda Tukaraq

Suldaan Xasan Oo Ka Hadlay Colaadda Tukaraq

Hargeysa(Sayruuq) Suldaanka guud ee beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo waraysi siiyay wargeyska Geeska Afrika ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay in ay midnimadooda ilaashadaan. Waxa kale oo uu sheegay in degmada Tukaraq ee gobolka Sool tahay dhulka Somaliland, islamarkaana aanay Somaliland wax weerar ah ku ahayn Soomaaliya.

“Marnaba ciidanka Somaliland wax xadgudub ah ma samayn, cidna kuma xadgudbin, xuduudna kuma xadgudbin. Gobolka Sool waa gobol ka tirsan Somaliland, dadka reer Sool-na waa reer Somaliland oo dad la xeer iyo xuquuq ah dadka degan gobollada kale ee dalka. Tukaraqna waa Somaliland, dadka degana waa Somaliland waliba xadkuna wuu ka sii shisheeya, marka in Somaliland lagu soo qaaday weerar mooye iyadu marna may xadgudbin ee xadkeedii ayay joogta,” sidaas ayuu yidhi suldaanku.

“Marka anigu dadka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan iyo gobol kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay yaan la idin kala xadin oo dhexdiina laga faa’iidaysan ee Somaliland aynu wada ilaashanno oo kicinta iyo cadaawadda cadawgeenu dhexdeena ka abuurayo ka feejignaano oo Qarannimadeena meel uga soo wada jeedsano mar haddii aynu maanta is hayno Soomaaliya iyo Puntland oo labaduba cadaw inagu ah oo jiritaankeena iyo dawladnimadeena aan ogolayn, aynu ka dheeraano in aynu dhexdeenu is qabsano oo inaga dhexdeenu islayno,” Sidaas ayuu yidhi Suldaan Xasan.

Suldaanka oo ka hadlay saamaynta ay xeebaha galbeed ee Somaliland kaga tagtay duufaantu ayaa ku baaqay in bulshadu wax istarto oo dawlad iyo shacaba dadka wixii loo heli karo lagu kaalmeeyo.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here