Suldaan Xasan Iyo Boqor Buurmadow Oo Kaftankii Joojiyay

0
1,196 views
Suldaan Xasan Iyo Boqor Buurmadow Oo Kaftankii Joojiyay

Suldaan Xasan Iyo Boqor Buurmadow Oo Kaftankii Joojiyay

Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal iyo Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa sheegay in ay wax ka bedeleen hab hadalkoodii muddadii ka dambeysay doorashadii madaxtooyada ee xisbiga Kulmiye ku guulaystay. Madaxdhaqameedkan ka soo kala jeeda beelaha Subeer Awal iyo Habarjeclo ayaa si weyn uga dhex muuqday ololihii doorashada intii doorashada ka dambeysayna hadal uu jeediyay Suldaan Xasan ayaa abuuray duufaanno mucaaradad ah oo ka dhan ah xukumadda Muuse oo lagu sifeeyay mid laba reer Metesha.

Suldaan Xasan oo dhawaan ka Burco kaga qayb galay munaasibad dhaqameed ayaa sheegay in uu joojiyay kaftankii “Gobolka Togdheer ducaan u sidaa, guud ahaana Somaliland ducaan u sidaa, siiqaddii la iga bartayna waan ka baxay, kaftan danbe igama eegtaan, wax kaftan la yidhaahdaba,” Sidaas ayuu yidhi Suldaanka oo u muuqda mid laabta ku haya qalalaasihii ka abuurmay hadal uu hore beesha Habarjeclo ugu ammaanay isaga oo isbahaysi siyaasadeedkooda gaadhsiiyay mid ehelnimo keenaya.

 

Geesta kale Boqor Buurmadow ayaa sheegay in uu kaftankii joojiyay sidii doorashada looga baxay waxaanu kaftan dhanka wax bixinta ah ku tuuray beesha madaxweyne Muuse ee ay doorashadii ku taageereen.

“Halkan kaftan baddan baa ka dhacay, qolladda Garxajis baa maanta ugu kaftan wanaagsaneyd, waan uga mahadcelinayaa, anigu hadalkaygu wuxuu ku ekaa doorashadii iyo kaanbeyngii, intan danbe raali gellin uun baan bixiyaa iyaga lama kaftamo! Waan ka raali geliyaa wixii dhacay, waxaan leeyahay; walaalayaal ilma adeerayaal dee laba qolo ayaa tartamaysay oo idinmaanan kala jecleyn, qoloddan [Habar Awal] waxaa la yidhi Sheekhii baa kiishaddii kaga tagayoo, waxaanu is lahayn kiishadda ha furaan, kiishaddiina furmi waydaye ee horta waanu idin raali gelineynaa, sidaas uun bay iska ahayd?” Sidaas ayuu yidhi Boqor Cismaan Buur Madow.

 

Weedho madalo kala duwan ay ka sheegeen Boqor Buurmadow iyo Suldaan Xasan ayaa loo arkay kuwo bulshada kala qaybinaya ama fidno abuuraya kuwaas oo dhalliil ku noqday madaxda dhaqanka ee xilligan maaddaama ay taagnayd xanafta siyaasadda ee doorashadii 13 November.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.