Suldaan Oo Farriin U Diray Madaxweynaha DDSI

0
344 views
Suldaan Oo Farriin U Diray Madaxweynaha DDSI

Suldaan Oo Farriin U Diray Madaxweynaha DDSI
Hargeysa(Sayruuq) Suldaanka Guud ee salaadiinta Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa farriimo hambalyo, waano iyo dar-daaran ah u Diray Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaanu ugu baaqay inay u sinaadaan dhammaan-ba Soomaalidu.
Suldaan Maxamed oo ugu horayn hambalyo iyo duco u diray Madaxweynaha cusub ee Mustafe Cagjar ayaa waxa uu yidhi “ Annigoo ah Suldaanka Guud Beelaha Somaliland Ahna Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ,annigoo ka wakiil ah Beela Somaliland oo dhan waxaan habmabyeynayaa Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya loo magacaabay Mustafe Maxamuud Cumar ayaan hambalyeynayaa, waxaana leeyahay xilkaa laguu igmaday illaahay hakugu gar-gaaro oo hakugu garab kalo.”
Geesta Kalene Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa haddalo dar-daaran ah u diray Madaxweynaha Cusub ee Soomaalida Itoobiya. “Ummada Soomaaliyeed waa iskugu kee mid, mid Itoobiya jooga iyo mid Somaliland jooga, mid Muqdihso jooga iyo mid Jabuuti jooga iyo mid Kenya jooga Dad Soomaaliyeed ayuun-baa hoostaada iman doono cid kasta ha-ahaadaane arrimaha laguula imanayo wixii munaafaqadi ku jirto waad iska ilaalinaysaa, wixii aanay munaafaqadi ku jirina sidooda ula macaamil ..”

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.