Suldaan Maxamed Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Naciima Iyo Buugga Wasiir Guri Barwaaqo

0
1,012 views
Suldaan Maxamed Oo Ka Sheekeeyay Sidii Ingiriisku Ula Dhaqmi Jiray Beelaha Dhaarta Jabiya

Suldaan Maxamed Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Naciima Iyo Buugga Wasiir Guri Barwaaqo

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa si kulul ula hadlay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waxa uu sheegay in nin gabay u tiriyay wasiirka warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo la xidhay iyada oo aan waxba laga qaban aflagaadada ku jirta buug uu qoray wasiirku. Waxa uu sidoo kale sheegay in la sii daayay Boqor Buurmadow walina ay xidhan tahay Naciima Qorane oo ay isku kiis yihiin.

Wasiir Guri Barwaaqo oo aflagaadooyin buuggiisa ku qoray ayaa loo xidhay nin abwaan ah oo isaga gabay u tiriyay, Abwaanka waxaan leeyahay xadhigga ku jiri maysid ee Madaxweyne degdeg faraha uga qaad. Guri Barwaaqo tuu sameeyay ayaa dee ka daran. Hablaha Ciidagale hooyadaba ku jirta(Madaxweyne) oo hooyada hiil bay u baahan tahay,” Sidaas ayuu yidhi Suldaanka oo intaasi raaciyay in tallaabo laga qaado wasiirka.

Waxa kale oo uu sheegay in Boqor Buurmadow la xidhay haddana la sii daayay “Inantii Soomaaliyeed ee Koonfur sidaa kaga hadashay, halkan Hargeysa ayuun baana lagu qabtay, dee Buurmadow haddii la sii daayay taasi Barmaamijka ay waddaaba dhaamaye iyadana waxaanu leenahay degdeg ha loo sii daayo oo faraha ha laga qaado,” Sidaas ayuu yidhi Suldaanku.

Suldaanku wuxuu sheegay in nidaamka madaxweyne Muuse la kawsaday dhalliilo badan isaga oo su’aal galiyay go’aankii adkaa ee madaxweynaha waxaaanu ugu baaqay in dadku u sinnaadaan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.