Suldaan Maxamed Oo Madaxweyne Biixi Ka Raalli Geliyay Hadalka Boqor Buurmadow

0
775 views
Suldaan Maxamed Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Naciima Iyo Buugga Wasiir Guri Barwaaqo

Suldaan Maxamed Oo Madaxweyne Biixi Ka Raalli Geliyay Hadalka Boqor Buurmadow

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir suldaanka beelaha Somaliland ayaa si kulul uga jawaabay hadal boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow shalay ka jeediyay caleemo saarka beeldaaje Maxamed beeldaaje Ismaaciil oo ka dhacay degmada Carmo gobolka Bari ee Puntland. Boqorka ayaa sheegay in uu madaxweyne Muuse Biixi ku boorrinayo kala qaadida ciidamada Puntland iyo Somaliland ee degmada Tukaraq.

Suldaan Maxamed ayaa sheegay in ay haboonayd in Boqor Buurmadow iska shaandheeyo hadalka uu halkaasi la tagayay, islamarkaana uu hadalkiisu abuurayo colaad hor leh. Waxa uu ku dooday in aanay jirin ciidamo is horfadhiya oo la kala qaadayo waxaanu madaxweyne Biixi ka raalli geliyay hadalka Buurmadow.

Hadalkiisa Shalay waxa madasha kaga jawaabay Cabdiwali Gaas madaxweynaha Puntland oo sheegay in ay nabad u taaggan yihiin laakiin, ay noqonayso haddii “Muuse kaa yeelo’.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here