Suldaan Maxamed Oo Ka Hadlay Tukaraq Iyo Arrinta Jeegaanta

0
528 views
Suldaan Oo Farriin U Diray Madaxweynaha DDSI

Suldaan Maxamed Oo Ka Hadlay Tukaraq Iyo Arrinta Jeegaanta
Hargeysa(Sayruuq) Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ku taliyay in la dejiyo xiisadda u dhexaysa Somaliland iyo Soomaaliya ee ka taaggan degaanka Tukaraq waxaanu soo jeediyay in si nabad ah loo xalliyo arrintaasi. Waxa uu sheegay in bulshada ay Soomaaliya dariska ka yihiin Somaliland ee Puntland tahay mid ay isku dhaqan yihiin Somaliland.
Waxa uu sheegay in Soomaalidu soo aragtay dagaallo lagu hoogay, islamarkaana aanu garanayn wax lagu dagaallamayo ilaa 1988 , iyada oo mararka qaar arrimo sahlan la isku dilo “In nabadda loo dadaalo Ayaan ku gubaabinaya labada dalba oo la ixtiraamo nabadgalyada iyo wada shaqaynta. Laba ummadood oo iskaga dhaw ma jirto, umadda kale ee Koonfur ka timaadda inta badan ma af naqaano laakiin, nimankan Majeerteenka ah aad baynu iskugu dhaqan dhawnahay, dadku haddii ay isku dhaqan yihiina waa dad gacal ah ee ha la ilaaliyo gacal tooyada iyo nabadgalyada. Colaadi waxba tari mayso oo wiil ba ku dhinta ee wiil kuma dhasho,” Sidaas ayuu yidhi Suldaanka oo Hargeysa kula hadlay saxaafadda.
Suldaanku waxa uu ka digay in xukumadda cusub wax faro gelin ah ku samayso hawlaha madaxda dhaqanka waxaanu ammaanay xukumadda uu dhismaheeda wado Madaxweyne Muuse “Muuse Fikirkiisan aqaana oo waxaanu isku ahayn dhallinyaradii hore, Muuse marka uu wax maaggan yahay kaligii tashan maayo, dadku la tashanaya oo arrinka uu doonayo sidii nin dhega la uun sii dayn maayo, waa nin degen wakhti dheerna waanu is naqaanay,” Sidaas ayuu yidhi Suldaan Maxamed.
Suldaanka ayaa wax laga waydiiyay arrin aad loo hadal hayo oo ku saabsan isbahaysiga siyaasadeed ee beelaha Subeer Awal iyo Habarjeclo(Jeegaanta) “Muuse(Madaxweynaha Somaliland) ayaanu ku nidhi jeegaanta baabii, Markaas ayuu yidhi ‘waa tii kursiga I saartay’ markaas ayaan idhi waa runta. Jeegaantu dhibaato ma leh oo anigu kuma ogi wax colaad ah oo ay hayaan,” Sidaas ayuu yidhi Suldaanku
Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
Contact@sayruuq.com
Halkan ka daawo warka Suldaanka

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.