” Suldaan Maxamed Hal baa seegay,” A. Guruuje
Sidaan sheeko ku maqlay waagii gumaysigii Ingirsiiska 1920 kii ayaa labba nin oo ah reerka la yidhaahdo Biciide laggu xukumay daldalaad , ka dibna markii xukunki soo dhamaaday ee ay gaadhay xiligii dilka la fulin lahaa ayaa la yidhi maxaa codsanaysaan , dabeeto labaddii nin midkood baa yidhi ‘ ma iyadoon Suldaankayagi ogayn baa lana daldalayaa , sarkaalkii Maxkamadu suaashaa wuxuu kagga jawaabay , ma suldaan baa leedihiin , waxaanay kagga haayoo suldaankayagu waa Suldaan Diiriye Suldaan Xasan .
Intaa ka dib waxaa la wargeliyay Suldaankii , Ka dibna Suldaanki intuu Badhasaabkii dagaalay buu yidhi ” Maalin walba anigoon ogayn baa dadkayga sidan u deldelaysaan , idinla hadli maayo , hadaydaan sii dayn nimankan xidhan , sidii baana laggu sii daayay .
Markaa maanta , Suldaan Maxamed Sul C/qaadir ,Suld C/laahi Sul Diiriye , Hal baa seegtay , waxaana seegay in dadka Reer Somaliland uu Suldaan u wada yahay , Beeshan Isaaqna uu Suldaan u wada yahay .
Markaa suldaanka anigoo qiime iyo qadarin wayn u haya , waxaan odhan lahaa , Suldaan dadku waa dadkaagii , wixii dhintayna aday kaa dhinteen , wixii dhaawacmayna aday kaa dhaawacmeen , wixii dhacayna waa uun xoog adiga kaa tagay, markaa Suldaan sidaad dadkaaga u kala badbaadin lahayd una badbaadsan lahayd waa inaad dadaalkaaga oo dhan isugu gaysaa.
Qoraaladdii Hore Ee Garuuje halkan ka dheeho
