Suldaan Daakir Oo Dhalliilahii ugu Cuslaa u Soo Jeediyey Madaxweyne Biixi Kana Deyriyey Xaaladda Dalka

0
328 views
Suldaan Daakir Oo Dhalliilahii ugu Cuslaa u Soo Jeediyey Madaxweyne Biixi Kana Deyriyey Xaaladda Dalka

Hargeysa(Sayruuq):-Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland, ayaa dhaliilahii ugu adkaa u soo jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi ee wakhtigan, waxaana uu sheegay in xaaladda uu dalka marayaa ay tahay mid aad u adag isla mar ahaantaana ay Xukuumaddu ku fashilantay siyaasaddii arrimaha dibadda iyo gudaha ba.

Suldaan Daakir Xasan Khaliif, ayaa hadalkan ku sheegay wareysi gaara oo uu siiyey Wargeyska Waaberi, waxaana uu ugu horreyn ka hadlayaa sida ay maanta tahay xaaladdu.

“Marka hore aad baad u mahadsan tahay, adiga iyo Wargeyska Waaberi na aad baan idin soo dhaweynaynaa. Runtii na xaaladda dalku maraayaa imika ma qarsoona oo qof walba waa og yahay, maanta na maalin ay innooga xun tahay oo ay innooga dhib badan tahay ama ay innooga qabyaalad iyo musuq badan tahay ma garan karo. Xaaladda dalku maraayo na waxa aad ka dareemi kartaa haddii ay tahay arrimahii dibadda oo inaga soo xidh-xidhmay oo aad warkooda hayso, markhaati na ay ka yihiin Xisbiga KULMIYE ama Kijaandhe ha noqoto ama Axmed Ismaaciil Samatar ba e’ ama ba dee cid kale oo Xisbiga ba ah ha noqotee, waxa aad moodaa in arrimahi dibadda aynu faashil ka nahay, waxa kale oo aynu og nahay in dadka haddii ay Farmaajo salaamaan ay xadhig tahay laakiin waxa muuqata in aynu u dhaqmeyno qaabkii maamul goballeedka oo kale, markaa xaaladda arrimaha dibadda aad baynu ugu fashilanney.”.Ayuu yidhi Suldaan Daakir.

Suldaan Daakir Xasan oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu sheegay in xaaladda uu maanta dalku ku jiraa ay tahay mid aan hore u soo marin Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in Xukuumadda jirtaa ay tahay mid dhinac ka raran, waxaana uu yidhi:-

“Arrimahii gudaha na waad arkaysaa in Ceel-afweyn Alle ha soo dhammeeyee dhibka inaga gaadhay, tii Tukaraq iyo dhibbaatada ka taagan dalka gudahiisa, sicir-bararkii oo loo maaro waayey oo runtii xaaladdiisa aad ka war hayso, dawladda oo runtii dhinac ka raran oo runtii aan ahayn dawlad maanta u cuntami karaysa umadda oo caddaalad ku soconaysa, markaa walaalo ama dibad ha noqoto ama gudo ba e’ maanta xaaladda aynu ku sugannahay xaalad la mid ahi ma jirto.”.

Suldaan Daakir Xasan Khaliif, waxa ugu dambeyntii uu Madaxweynaha ku dhaliilay go’aan uu dhawaan ka soo saaray arrinta Kootada oo loo xidhay beesha uu ka soo jeedo, waxaana uu Madaxweynaha ku tilmaamay in uu yahay nin qoys isla mar ahaantaana aanu ahayn Madaxweyne qaran isaga oo sida oo kale na si aada u dhaliilay dheeli uu sheegay in uu ka muuqdo Xukuumadda Biixi.

“Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa Habar dhaliweyday Aleelo ku waal-waalatay. Muuse Biixi haddii beelahaa aanu ka soo jeedno ee faraha badan ee Ma-dhibbaan leh, ee Muuse leh, Annaas leh, Tummaal leh haddii uu wax tari karaayo oo wuu awoodi karayaa Wasiir buuxa, wasiir ku xigeen buu awoodi karaa, guddoomiye ayuu awoodi karaa, wuxu awoodi karaa wax kasta oo maanta isagaa wax walba gacantii ku haya dalka, markaa runtii in uu cid kale wax noo weydiiyo oo uu yidhaahdo Kooto ayaan siinayaa in uu isagu gacantiisa ku siiyo, umaddani waa umad wanaagsan, waa umad Somalilander ah, waa umad dalka iyo dadka ba leh e’ markaa wuxu isagu siinaayo in uu magacaabo ayaa qurux badan, laakiin nasiib darro isagu ma magacaabi karo oo Madaxtooyaddii waad ka war haysaan hadda oo waa Madaxtooyo Sacad Muuse, maaha madaxtooyo Somaliland ah. Madaxweynahu waa Sacad Muuse, Agaasimihii guud waa Sacad Muuse, Xoghayahii na waa Sacad Muuse, Madaxtooyaddii waa wada Sacad Muuse, Maxkamaddii na labadda nin ee iskaga kala sarreeyaana waa Habar-Awal, Maxkamaddii na Awal bay noqotay, Milatarigii na Sacad Muuse ayuu noqdey, markaa siddee buu wax u siin karayaa cid kale ba isagaa wixii ba haystee, arrimahii dibadda na isagaa haystee, agaasimeyaashii na waad yaabaysaa haddaad eegto, markaa ninkani nin qaran maaha ee waa nin qoys weeye. “.  Ayuu yidhi Suldaan Daakir

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.