Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar Oo Farriimo Culus U Diray Maamulka Muuse Biixi Iyo Maamulka Farmaajo

0
408 views
Maxaa Ka Jira In Somalia Maalgalinayso Shirweynaha Garxajis?

Hargeysa(Sayruuq) Suldaanka guud ee beelaha Habar Yoonis Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ku hadlaya afka dhaqanka Somaliland ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in uu caddaalad u sameeyo Somaliland, islamarkaana aan dawladnimada lagu salayn kooxaysi iyo sadbursiimo.

Suldaanka ayaa hadal ka jeediyay qado hoggaanka Waddani ku maamuusay Bile Rafle Guuleed oo Hargeysa jooga “Haddaynu Somaliland nahay waxaynu nidhaa nabad baynu nahay caynkanaynu nahay, waar waxa weeye waxaas oo dhan wax badan baa ka dhimane waxa dhiman in Somaliland hore uga marto ayaa loo baahan yahay, dawladnimadu in ay gees ilaa gees gaadho ayaa loo baahan yahay, in la cadaalad falo ayaa loo baahan yahay, in aanay qoqobnaan ayaa loo baahan yahay, in aanay kooxo noqon ayaa loo baahan yahay, in reeraha laga saara loo baahan yahay. Waxaan leeyahay Somaliland-neey dawladnimadeenu ha korto oo gobol walba iyo guri walba ha gaadho cidda haysa Ayaan farriintaas u diraya,” Sidaas ayuu yidhi Suldaanku.

“Haddii aynu dawladnimadii aynu isku darsanay wada dhaqan kari waynay oo aynaan wada dhaqan karayn maanta in aynu iska lulano waxaan u arka nusqaan, waa Soomaali uuni ha isla sii baaba’do,” Sidaas ayaa ka mid ah hadalka Suldaanka oo ka hadlaya arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.