Sul. Cumar Oo Ka Hadlay Weedhaha Salaadiinta

0
95 views
Sul. Cumar Oo Ka Hadlay Weedhaha Salaadiinta
Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax

Sul. Cumar Oo Ka Hadlay Weedhaha Salaadiinta

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka Somaliland gaar ahaana suldaanka beelaha Arab ayaa dawladda ugu baaqay in ay gacan bir ah ku qabato colaadda degmada Ceelafweyn ee soo noqnoqotay. Waxa uu sheegay in aanay beelaha halkaasi wada degan isku dilayn wax manfac leh oo laga garaabi karo.

“Meesha yaan dad dambe inagaga dhiman ee dawladdu gacan adag ha ku qabato mushtamacuna ha u jeesto xaggaas, uma baahin dhibaato, uma baahin hagar daamo, uma baahnin wax ina suuldaara ee waxaynu u baahan nahay horumar, nolol baynu u baahan nahay, dadka bani’aadamka ah in la ilaaliyana waa waxyaabaha islaamku xoogeeyay. Yaan lagu tacadiyin dadka iyo dalka toona, halkaas waxaan leeyahay gacan adag ha lagu qabto, hala adkeeyo, wanaag iyo sharaf baanu la jecelahay ee meesha hala adkeeyo,” Sidaas ayuu yidhi Suldaan Cumar.

Suldaanku wuxuu si gaar ah ula hadlay  qaar ka mid ah salaadiinta oo maalmihii u dambeeyay weedho xanaf leh ka soo yeedhayeen “Qodob waxaan odhan laha odayaasha madax dhaqameedka ah, dhaqanka nabad baa loo oga, umadda in ay nabaddeeda iyo nolosheeda ka shaqeeyaan baanu doonayna, maaha in ay nolosha umadda iyo nabada burburiyaan, iyagana waxaan leeyahay ku soo noqda dariiqa aad hore u hayseen oo nabada ka shaqeeya,” Sidaas ayuu yidhi Suldaan Cumar.

Laba cisho ka hor ayay degaanka Dararweyne ee degmada Ceelafweyn ku dagaallameen beelo walaalo ah oo halkaasi wada degan waxaana ka dhashay khasaare weyn oo lagu sheegay 5 qof oo dhimasho iyo dhaawac iskugu jira. Xukumadda iyo waxgaradka bulshada ayaa ugu baaqaya beelahaasi in ay nabadda dugsadaan oo colaadda joojiyaan.

  1. M. Xigeen Saylici Oo Canaantay Beelaha Ceelafweyn

  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Ceelafweyn

Sayruuqnews.com

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.