Sudan & Jabuuti Oo Somaliland Kula Loolamaya Suuqa Itoobiya

0
527 views
Sudan & Jabuuti Oo Somaliland Kula Loolamaya Suuqa Itoobiya

Sudan & Jabuuti Oo Somaliland Kula Loolamaya Suuqa Itoobiya

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya saami ku yeelan doonto dekedda Port Sudan ee dalka Suudaan. Labada dal ayaa horumarinta dekedda wada jir u maalgashanaya, islamarkaana maamulkeeda wada yeelanaya. Sidoo kale Jabuuti ayaa dekeddeeda saami ka siisay dawladda Itoobiya.

Arrinta ayaa u muuqata in dawladdaha Sudan iyo Jabuuti raaceen hannaanka Somaliland iyo Imaaraadku saamiga kaga siiyeen Itoobiya dekedda Berbera si ay u kasbadaan suuqa Itoobiya. Itoobiya oo dadkeedu boqol milyan dhaafay ayaan lahayn bad waxaanay si buuxda ugu tiirsan tahay dekedda Jabuuti oo dhawaanahan la hadal hayay tartanka ay kala kulmayso dekedda Berbera.

Kulan Khamiistii Khartuum ku dhexmaray madaxweynaha Suudaan Cumar Xasal Al-bashiir iyo ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali ayaa lagu gaadhay heshiiska ah in dekedda wada jir loo horumariyo “Hoggaamiyeyaasha labada dal waxay isku raaceen in Port Sudan si wada jir ah loo horumarsado,” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya Meles Ale moo intaas ku daray “Heshiiskani wuxuu dhigaya in Itoobiya Saami ku yeelato dekedda,”

Dawladaha Jabuuti iyo Suudaan wali ma sheegin xaddiga saamiga ay siinayaan dawladda Itoobiya laakiin, waxay Jabuuti sheegtay in muddo laba bilood ah lagu dhammayn doono. Somaliland ayaa Itoobiya siisay 19% maamulka dekedda Berbera.

Source: Reuters

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here