“Sucuudiga & UAE Dhaqaalahay Somalia Ka Jareen,” EU

0
414 views
“Sucuudiga & UAE Dhaqaalahay Somalia Ka Jareen,” EU
Ciidanka Somalia

“Sucuudiga & UAE Dhaqaalahay Somalia Ka Jareen,” EU

Brusells(Sayruuq) Fadhi uu yeeshay Arbacadii baarlamaanka Midawga Yurub ee fadhigiisu yahay Biljimka waxa lagu soo bandhigay qaraar lagu doonayay in aanay dhaqaale ka jaris ku karbaashin Somalia dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta si ay ugu khasbaan in ay Qadar xidhiidhka u jarto sidaasna waxa ku warramay telefishanka Qadar u janjeedha ee Aljazeera.

“Khilaafka balaadhan ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadka oo isku dhinac ah iyo Qadar oo dhinac ah, dawladda Federaalka Soomaaliya waxay doonaysa in ay dhexdhexaad ka sii ahaato, halka Sucuudiga iyo Imaaraadku si aar goosi ah uga joojiyeen dhaqaalihii taageerada ahaa ee ay sida joogtada ah u siin jireen Soomaaliya, taas oo si weyn u dhaawacaysa awoodda dawladdu mushaharka ku siinayso ciidamada,” Sidaas ayaa lagu yidhi qaraarka baarlamaanka laga akhriyay.

Xiisad meel sare gaadhay ayaa u dhexaysa Abu Dubai iyo Muqdisho taas oo salka ku haysa go’aanka Soomaaliya ee ah in ay dhex ka tahay qalalaasaha Khaliijka. Soomaaliya waxay si weyn ugu tiirsan tahay ganacsiga Sucuudiga oo ah bahwadaagta ugu weyn ee ay wax u dhoofiso, halka Imaaraadku yahay kan ugu weyn ee ay alaabkooyinku uga yimaadan.

Turkiga ayaa sidoo kale saamayn weyn ku leh Soomaaliya waxaanu siiya caawimo gaadhaysa hal Bilyan oo dollar waxaanu taageersan yahay dawladda Qadar marka la eego khilaafka Carabta.

Warbixinta Aljazeera arrintan kaga hadashay waxa lagu soo qaaday in Abu Dubai kula heshiisay Hargeysa in ay tababarto ciidamada Somaliland, in ay 30 sanno maamusho dekedda Berbera iyo in ay Saldhig Militari ka dhisato Berbera arrimahaas oo Muqdisho ka soo horjeedo.

Source: AlJazeera

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.