Sooyaalka Damac Badeedka Xabashida: (Doodaha iyo Cadeymaha)

0
146 views

Sooyaalka Damac Badeedka Xabashida:
(Doodaha iyo Cadeymaha)

Waxaa qoray Abdalla Qasim Damey

Sida uu Ku Doodayo Mesfin Wolde Mariam Qormadiisa “The Background of the Ethio-Somalian Boundary Dispute” Ee Kusoo Baxday (The Journal of Modern African Studies, Vol. 2, No. 2) Taariikhda (Jul., 1964), Ee Lagu Baahiyey Cambridge University Press, Waxa uu Leeyahay:

“Soomaalida Waxa ay Heysan Jireen Zeila “Waxaase Hortood 150 Sano Deganaan jiray Danakils (Afar)”
Kadibna Waxa ay soomaalidu U Faafeen Dhinaca Koofur iyo Galbeed Iyaga oo Raadinaya Biyo iyo Daaq.

Waxa uu Leeyahay Somalidu Waxa ay Weeraro Ku Ekeeyeen Galla (Oromo) oo Deganaa Dhulkaasi, Kolki Ay Galla u Gegsan Waayeen Gulufyada ayey Soomaalidu kusii Baahday Tan iyo Dhulka uu Dhaco Wabiga Juba”.

Waxa uu Ku Doodayaa in ay Somalidu u Badantahay Galla la Islaamiyey iyo Carab soo Hijrootay” “the Somalis are the great Galla nation Islamized and Semiticized by repeated
immigration from Arabia”.

Herbert S.Lewis Buugiisa “The Origins of The Galla and Somali” Waxa uu Leeyahay Kolka la Eego Tixraacdaya Duugga ah Magaca Galla Waxaa lagu Arkay Tixraacyada Markii Ugu Horreysay Sida Laga Xigtay Qoraaga Abey Bahary oo Qiraya in ay Galla soo Faafeen Inti uu Talinayey Aabihii Boqor Galawdewos oo la Oran jiray (Lebna Dengal) oo Talinayey (1508–40), Sidoo Kale Manoel d’Almeida oo Booqday Ethiopia 1620ki Waxa uu Qeexayaa in 1537ki uu ahaa Sanadki ay Galla Soo Gashay Koofur bari Gobolka Bali, (ka Eeg Sawirka 2aad).

Herbert S.Lewis Waxa uu Ku Leeyahay Bogga 27aad Isla Buuggiisa (The Origins of The Galla and Somali): ” Kolka la Eego Tixraacyada Duugga ah Waxa ay Soomaalidu Ku Xusnaayeen Waqtiyo aad Usii Horreeysay Isaga oo Kasoo Qaadanaya Kuwan oo Muujinaya in ay Soomaalidu ka Tixraac Horreeyeen Galla:

Xilli Kasii Horreysay Qarnigii 9aad Qormo Chinese ah ayaa Ka Sheekeyneysa Dadka Po-pa-li (Oo Loo Qaadan Karo Berbera)Taasi oo Oraneysa (Waa dad aan Cunin Dhirta Balse Cuna Hilibka) H.S.Lewis Waxa uu Ku Doodayaa in ay Ay Somalidu 11kii Qarni Ee Lasoo Dhaafay ay Iska Deysay Cabista Dhiigga Lagu Barxi Jiray Caanaha Oo Ku Jirtay Qormada Chinese ka, Waxa uuna u Cuskanayaa in uu Quraanku Soomaalida Ka Reebay Cabista Dhiigga, Balse ay Iyagu Ahaayeen Dadka Qormadu Qeexday Ee Ku Noolaa Dhulka

Yakut oo Ahaa Dhul Mareen Qarnigii 12aad Waxa uu Xusayaa in Dadka Ku Dhaqan (Mogadishu) ay Ahaayeen “Berbers” Kuwaa oo Midabka kaga Gedisan Xabashida (Abyssinians) iyo Zunuujta “Negroes”.

Inbu Batuta oo Isaguna Ku Safray Xeebta 1331ki Waxa uu Qeexayaa in Kaymaha u Dhaxeeya Zeila iyo Mogadishu Ay Ku Noolaayeen “Dad Madoow oo Dhuu-dhuuban oo Dhaqda Geela iyo Idaha”.

Sida Laga Diiwaan Geliyey Heesta Boqorkii Xabashida “Yeshaq” Ee Talinayey (1414__1429) Waxaa Laga Helay Magaca “Somali” Oo Muujinayey in ay ka Mid ahaayeen Dadyoow Badan oo uu La Dagaallamay, Taasi oo Muujineysa in ay Ka Dhul Durugsanaayeen Xabashida Balse ay Kulaalayeen.

Dhul mareenkii Al-idrisi Waxa uu Ku Tilmaamay in ay (Merca) ahaan Jirtay Qarnigii 12aad (Hadiye Land) oo uu H.S.Lewis Tibaaxayo in ay Guillain, Schleicher iyo Cerulli Isku Raacsanyihiin in uu Eraygu Yahay (Hawiye Land).

Sooyaalkani Waxa uu Cadeymo Buuxa ku Muujinayaa Xaq u Lahaan shiyaha Somalida ee Dhulka Geeska Africa Iyada oo Tixraacyada Qaar ay Soomaalidu Ku Horreyso Dhowr Boqol oo Sano, iyo in Damaca Xabashidu uu Yahay Mid Soo Jireen ah Laga Soo Billaabo Boqoradii Is Xigay ee Abyssinia Iyo Madaxdii Xakumayey Ethiopia Tan iyo Maanta oo aynu Joogno 2018.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.