Sooyaalka askarinimo dhaliil ma noqon karaa? WQ:liibaan Maxed Ciise

0
71 views

Askarinimo waa sifo qofku marka uu maqlo badanaa maankiisa waxaa ku soo dhaca fikrad taban, oo liidaysa shaqadaasi iyo qofka sooyaalkaa lehba. Kuna lammaanaynaysa hab-dhaqanno gurran sida; mucangagnimo, kalitalisnimo, aqoon-gaabni, qalafsanaan, islaweyni IWM.

Askarinimadu ama sooyaalka ciidannimo (Military background) ma noqon kartaa arrin dhaliil ama ceebayn lagu mutaysan karo? Marka hore waxa marag ma doon ah in shaqo kasta oo qofku ka shaqeeyaa ay saamayn togan iyo mid tabanba ku reebto shakhsiyadda qofka, saamayntaa oo qofka la socon karta, dabciga iyo dabeecaddiisa beddeli karta.

Sooyaalka shaqo marnaba ma noqon karo wax ceebeyn loogu adeegsado dhaliisha qofka sooyaalkaa leh. Waxaana marwalba mudan in dhaliishu ahaato mid salka ku haysa hab-dhaqannada qolloocan ee qofku lahaan karo, hab-dhaqannadaasi oo ay wadaagi karaan dad badan oo ku kala duwan sooyaalka shaqo, ama nololeed. Fikradaha taban ee ku geedaaman askarinimada, ma aha shardi in qofku ka dhaxlo shaqada askarinimo, waxaa dhici kara in laga dhaxlo hab-dhaqanno togan sida; nidaam jacaylka, geesinimada, waddaniyadda.

Waxaa dhacda in la isku lammaaneeyo sooyaalka askarinimo iyo hab-dhaqanka kalitalisnimada, oo ah in qofka askarigu yahay mid u nugul in uu noqodo qof leh rabitaan kalitalisnimo oo ma guuraan ah. Waan fahmi karaa haddii aynu nahay bulshada soomaalilan waxa abuuray isku xidhkan muqadaska ah, waayo waxaynu nahay bulsho dhib iyo jab ka mudatay habdhaqannadii gurracnaa ee taliska kaligii taliyihi siyaad barre.

Ma dhabbaa in labadan sifo ay marwalba isku lammaanyihiin?

Waa dhab in labadan sifo isku lammaanyihiin marka la jaleeco waddamada ay talisyada milatari iyo kuwa u eegi ka arrimiyaan. Bal aan iska dhaafno dalalkan ciidamadu afduubeen rabitaanka shacabka, oo aan jaleecno talisyada siyaasadeed ee waddamada horumaray, ee lagu tilmaamo dunida koobaad, waxa inoo soo baxaya in labadan sifo inaanay shardi ahayn in ay isku lammaanaadaan, sooyaalka askarinimana keensanay kalitalisnimo. Tusaale ahaan maraykan ka oo ah dhulkii (xorriyadda iyo diimuqraadiyaddee), Sooyaalka nidaamka siyaasadeed ee maraykan ka haddii aad akhrido waxa kuu soo baxaya in 29/45 ka mid ah madaxweynayaashii soo maray ay ahaa qaar ka yimid mu’asasadda ciidanka, qaarkoodna ay gaadheen hoggaamiyaha guud ee ciidamada, hab diimuqraadiyadeedna ku yimaaddeen kuna tageen.

Kuwa ugu caansanna waxaa ka mid ah; Georg washinton oo ahaa aasaasaha maraykanka,Theodor Roosevelt, Harry Truman, Dwight Eisenhower, Richard Nixon. Madaxweynayaashaa shacabka maraykanku ay doorteen marnaba sooyaalkoodii askarinimo ma noqon mid lagu dhaliilo, ama u diida hanashada jagada madaxtinnimo, bal se waxa la odhan karaa sooyaalkooga askarinimo waa mid u oggolaaday in ay ka guulaystaan siyaasiyiintii la tartamayey, ee aan lahayn sooyaalkooda mid la mid ah. In kasta oo durrufaha lagu jiro ay xukumi karaan rabitaanka iyo dookha shacabka.
Dunida (xorta ah) haddii aynu ka warramayno bal aan jaleecno dalka faransiiska hooyada kacaanka siyaasadeed ee yurub, General Charles de Gaulle; waa asaasaha jamhuuriyadda shanaad ee faransiiska, waana ta hadda ka jirta dalkaasi, laba jeer baa xilka madaxtinnimo qaab diimuqraadi ah loogu doortay, xilkana waa ka tanaasulay, mudaaharaadyado ardaydu ay dhigeen ka dib. Bal jaleecno UK, oo leh nidaamka diimuqraadiyadeed ee u qadiimsan, General Wiston Churchill; waxa uu ahaa Ra’isal wasaaarihii u caansan taariikhda boqortooyada UK ilaa hadda.
Waxaa hubaal ah in hoggaamiye aan lahayn sooyaal askarinimo si fudud ayuu isugu beddeli karaa kaligii taliye aan la mahadin, tusaalayaashoodana koobi kari mayno.

Markaa sooyaalka askarinimo marwalba laguma lammaanayn karo kalitalisnimo.
Haddii aan ogaannay in labadan sifo aanay marwalba ahayn qaar isku lammaan ama isbarkan, ma bannaantahay in hoggaamiye lahaa sooyaal askarinimo, se hadda ciidanka iskaga tagey ama laga rukhseeyay lagu summadeeyo askarinimo?
Sida fahanka qumani dhigayo summadda qofka shaqadiisu ku lammaanaysaa waxa ay ku eegtahay in uu wali ku-guda-jiro shaqadaasi, se haddii uu iskaga tago una digo rogto shaqo kale, summaddaasi waxa ay isku beddeshaa sooyaal qudha, waxaanu qofku huwanayaa summadda shaqo ee hadda uu kaga jiro bulshada, sida; ganacsade, siyaasi, iyo maamule jaamacadeed oo qaar ka mid ah janaraallada maraykanku soo noqdeen sida Dwight Eisenhower oo kale.

Ugu danbayn sooyaalka shaqo marna ma noqon karo ceeb loo adeegsado dhaliilidda qofka, waxaa habboon in qofka la dhaliilo kartidiisa, aqoontiisa, hoggaamintiisa, gacannadiifnimadiisa, IWM si dhaliishu u noqoto mid ummadda waxa u kordhisa, fahankooga siyaasadeedna u ballaadhisa. Haddii kale waxa ay noqonaysaa doodda qof aan dood lahayn.

Liibaan Maxamed Ciise

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here