Soomaliland iyo Somaaliya: Ismaaciil Hurre Buuba

0
91 views
“Dr Abiy Waa Nin Garanaya Siyaabaha Cul Culus Ee Somaliland Iyo Itoobiya Iskugu Xidhan Yihiin,” Prof Buuba

Soomaliland iyo Somaaliya: Ismaaciil Hurre Buuba

Bishii April 5dii, 1908dii, ayuu Baarlamanka Talyaanigu qaanuun soo saaray midaynaya dhulkii uu xukumayay, waxaanu ugu magacdhabay “Somalia Italiana”. Sidoo kali, dawladda Britishka ayaa iyaduna sannadkii1888kii maxmiyaddii ay xukumaysay ugu magacdhowday “British Somaliland”.

Bishii Juun 26dii, 1960kii, ayay “Dawladda Somaliland” ee madaxabanaaneyd dhalatay, “dawladda Somalia” ee madaxabanaaneeydna waxay dhalatay bishii Juulay 1deedii, 1960kii. Somaliland iyo Somalia midwalibay goonibey xoriyaddeedii uga heshay dawladahii Britishka iyo Talyaaniga ee gumeysanjirey.

Qaanuunkii isutagga (Act of Union), ee Somaliland iyo Somalia isku noqdeen “Jamhuuriyadda Soomaaliyeed” wuxuu soo baxay 31kii bishii Jeenaweri 1961kii, afti dadwaynana waxa loo qaaday 20kii bishii Jeenawari, 1960kii.

Qodobka 1waad wuxuu distoor ahaan qeexayaa (constitute under the constitution) inuu isutaggu mideeyey “Jamhuuriyadda Soomaaliland”, (Somaliland Republic) iyo “Jamhuuriyadda Soomaaliya”, (Republic of Somalia), sidaa daraadeedna isku noqdaan “Jamhuuriyadda Soomaaliyeed” (Somali Republic).

Qodobka 4raad, faqradiisa 2aad, waay ka maragfuraysaa madaxbanaanshaha labada dawladood ee isutegey, waxaanay si cad u qeexaysaa inuu isutaggu (Union) ka koobanyahay dawladaha xorta ah ee “Somaliland” (26/06/1960) iyo “Somalia”(01/07/1960) (independents governments of Somaliland and Somalia),

Qodobka 10naad wuxu qeexayaa in Isutaggu (Act of Union) dhaqangalay 01/07/1960, lagana rabo cidwaloo ka mid ah Isutaggan inay ku dhaqmaan inuu qaanuunkani yahay waxay ku dhisantahay “Jamhuuriyadda Soomaaliyeed”.

Kolba haddii maanta “Somalia” dib uga laabatay magacii “Jamhuuriyadda Soomaaliyeed”, kunana laabantay magacii Isutagga hortii la odhanjiray oo ah “Jamhuuriyadda Soomaaliya”, qodobadii Isutaggu ku dhisnaa way ka baxday.

Ismael Mohamoud Hurreh

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.