“Soomaaliya way soo dhaaftay xadkeedi” Madaxweyne Biixi

0
382 views

“Soomaaliya way soo dhaaftay xadkeedi, isku daygeeda aan guulaysana wuxuu dhaawac u gaysanayaa cid kasto oo gobolka ku nool”

”Dawladaydu Waxay Isu Diyaarinaysay Inay Dib U Bilowdo Wada Hadaladii Soomaaliya, Waxase Hadda Qasab Nagu Noqotay Inaanu Dib U Eegis Samayno”

Hargeysa(Sayruuq)Maxaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa qoraal dheer oo uu toddobaadkan ku qoray wargeyska The National ee dalka imaaradka Carabta, wuxuu kaga hadlay faaiidada maalgashiga DP worlad uu u keenayo Somaliland iyo guud ahaan gobalka Geeska Afrika.

Madaxweyne Biixi, wuxuu qoraalkan ku sheegay in talaabooyinka ay dawladda Soomaaliya kaga jawaabtay heshiiska saddex geesoodka ahi ee Bebera aanu laheyn macno sharci iyo mid saamayn doona balse uu muujnayo cadaawadda Soomaaliya u qabto Somaliland, Waxaanu Sheegay inay dib u eegayaan wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee loo balansanaa oo uu tilmaamay inaanay suurta galaheyn xaaladahan dartood.

Qoraalkan Madaxweyna oo aanu soo turjumnay wuxuu idhignaa sidan “April 2016 waxa jamahuuriyadda Somaliland oo ah dal Afrikaan ah oo ku yaala Geeska Afrika uu si Kalsooni ah llogu dhawaaqay iskaashi caalami ah  oo dowladda iyo shirkad gaar loo leeyahay ka dhexeeya oo qiimihiisu yahay 442 milyan oo Doolar oo noqonaysa maalelintii u waynayd ee dalku helo tan iyo markii uu ku dhawaaqay sannadkii 1991 inuu madax-banaanidiisii ka qaatay dalka ay deriska yihiin ee somaliya.

Dawladda Somaliland iyo DP world oo ah shirkad caalami ah oo hormood ka ah maamulidda dekadaha, waxaay samaysteen shirkad ay wada leeyihiin oo maamuli doonta islamarkaana maalgelin ku samaynaysa dekedda Berbera.Dhismaha balaadhinta dekadda ayaa la filayaa inay bilaabanto badhtamaha sandkan waxaana la filayaa inay ku dhamaato 18 ilaa 24 bilood gudahood.

maalgalintani waxaay xarunta ganacsiga iyo halwaha badda ee gobolka ka dhigi doonta qaybta contoraakaydda ee dekadda oo awood u yeelan doonta ilaa 1,25 Milyan oo TEUs sannadkii marka la dhamaystiro.

waa caddaaan in tani tahay codka kalsoonida oo loo qaaday xasiloonida siyaasadeed iyo bulsho ee Somaliland.Itoobiya oo ah dalka ugu dhaqaalaha weyn goblka islamarkaana ah qaaradda Afrika dalka ugu dadka badan ee aan lahayn bad, ayaa ku biirtay Somaliland iyo DP world bishii March 2018, taas oo u rogtay horumatinta dekadda Berbera Maalgelin ay wadamo badani ku jiraan.

Sidaas darteed, Berbea waxaay hadda taagan tahay inay noqoto dekedda albaab u ah Afrikada bari inta aan lahayn badda. Tani waxaay markaa u keenaysa badheedho dhaqaale, horumar buslho iyo xasilooni siyaasadeed gobolka, gaarh ahaan Somaliland oo shaqo la`aanta haysta dadka ka yar 30 jirka ay gaadhsiisantahay 70%.

Iyada oo ay iska cadahay faa`iidada ay maalgelinta saddex geesoodka ahi u keenayso Geeska Afrika, ayaa Baarlamaanka Somaliya uu isniinti si cadaawadi ku buuxdo ugu dhawaaqay in mashruucani yahay mid aan waxba ka jirin, uuna doonay inuu ka mamnuuuco DP World inay maalagashto Somaliland.

Inkasto oo aanu go`aanku lahayn macno shari islamarkaana aanu sinaba raad ugu yeelan doonin heshiiska lala galay DP world iyo  itoobiya, hadana wuxuu u cadaynayaa bulshada caalmka cadaawada bilaa macnaha ah ee ay Somaliya u hayso Somaliland, cadaawadaas oo an kala go` lahyn tan iyo markii aanu go`aansanay 18kii May 1991 inaanu ka baxnay midowgii aannu kula jirnay oo aanu dib ula soo noqonay madax-banaandii iyo xorriyadii dal ahaan.

Bulshadda caalamku waa inay is-waydiiso sababta Somaliya oo ah dal la siinayay balaayiin doolar oo caawimo ah soddonkii snadood ee uu dambeeyay, balse weli ah dal fashilmay, ay ugu isticmaalayso xoogaaga yar ee fadhiga siyaasadeed ah ee ay haysato si u majaxaabiso mashruuc badhaadhe wayn u keenaya gobolka oo dhan.

Dawladaydu waxaayisku diyaarinaysaa inay dib u bilowdo wada hadal ay la gasho Somaliya si looga wada hadlo danaha kawada dhexeeya iyo sidii qaab la isku ogol yahay loo kala bixi lahaa. Wada hadalkaasi wuxuu uu balansanaa inuu bilaabmo dhamaadka bishan.

Balse marka la eedo caddaawada aan loo baahneyn ee ka timi soomaaliya way soo dhaaftay xadkeedi. Isku daygeeda aan guulaysan ee ay ku doontay inay ku waxyeelayso maalgelinta uu Geeska Afrika sida wayn ugu baahan yahay wuxuu dhaawac u geysanayaa cid kasta oo gocolka ku nool oo ay ka mid yihiin dad badan oo aan waxba galabsan oo Soomaali ah. Sidaas darteed waxaanu si adag u canbaaraynaynaa mawqifka ay taagan tahay Soomaaliya, waxaan ugu baaqaynaa bulshada caalamka inay si taas la mid ah nala qaataan iyaga oo u samaynaya danta nabadda iyo badhaadhaha Geeska Afrika.

Nuxurka Khubad Maxaxweyne Biixi Uu Jeediyay Jaaliyadda Somaliland

Xigasho:Geeska Afrika

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.