Soomaaliya Oo Xafiis Dawli Ah Ka Furatay Hargeysa

0
443 views
Soomaaliya Oo Xafiis Dawli Ah Ka Furatay Hargeysa

Soomaaliya Oo Xafiis Dawli Ah Ka Furatay Hargeysa

Hargeysa(Sayruuq) Dawladda Soomaaliya ayaa xafiis dawli ah ka furatay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland sida uu sheegay Xildhibaan Siciid Warsame Gaani oo ka tirsan Golaha Wakiillada. Waxa uu sheegay in uu arkay xafiiska oo ku yaalla degmada Ibraahin Koodbuur si rasmi ahna uu uga shaqaynayo arrimaha socdaalka iyo basaboorka.

“Waa ta maanta maraysa in basaboorkii Soomaaliya Hargeysa lagu bixiyo oo cid loo soo magacaabay waanu hirgalay oo buurta kala jeexan ayuu xafiiskii ka furan yahay. Waxaan la yaabbanahay iyada oo shalay lagu xidhxidhayay qaar riyooday iyo inan yar oo heesay in inta nin la soo magacaabay xafiiskiisii shaqaynayo oo ay waliba ka war hayso (Xukumaddu) oo ciidamadu difaacayaan,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaanku.

Taliyaha laanta socdaalka Somaliland oo arrintan wax laga waydiiyay waxa uu sheegay in aanay ka hadlayn arrintan.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.