Soomaaliya Oo Soo Saartay Qoraal Ka Dhan Ah Somaliland

0
64 views

Soomaaliya Oo Soo Saartay Qoraal Ka Dhan Ah Somaliland

Wasiirka wasaaradda boostada, isgaadhsiinta iyo teknoolajiyada Soomaaliya ayaa soo saaray digniin ka dhan ah shirkaddaha isgaadhsiinta Soomaalida oo uu u sheegay in aanay sinaba u isticmaali Karin fure aan ahayn lambarka 252 kadib markii dhawaan wasiirka boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland sheegay in ay qorshaynayaan sidii ay uga guuri lahaayeen furaha Somalia ee 252 una heli lahaayeen fure Somaliland u gaar ah.

“Iyada oo ay muhiim tahay in la ogaado in aanay suuro gal ahayn in uu ka shaqeeyo dalkan fure aan ahayn 252, waxaan uga digaya dhammaan shirkadaha isgaadhsiinta dalka iyo cidkasta oo ay khusayso in haddii ay isku dayaan isticmaalka fure aan ahayn 252 ay la kulmi karaan talaabo sharciga waafaqsan oo ay ka mid noqon karto kala noqoshada ruqsadda adeegga,” Sidaas ayuu wasiirka Isgaadhsiinta Soomaaliya ku yidhi qoraal uu boggiisa facebook ku baahiyay oo warbaahintu soo xigatay.

Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Cabdiwali Cabdillaahi Suufi oo dorraad ka hadlayay golaha wakiillada oo ansixinayay ayaa sheegay in qorshihiisa ay ka mid tahay in Somaliland dadaal u gasho furaha dal ku galka isgaadhsiinta oo ay gaar u leedahay laakiin, jawaabtan Soomaaliya ayaa u muuqata dagaal siyaasadeed oo dhan walba ah in uu dhex mari doono Somaliland iyada oo hadda xiisad adag ka taaggan tahay maamulka hawada iyo xuduudaha dhulka.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.