Soomaaliya Oo La Wareegtay Hawada

0
401 views
Soomaaliya Oo La Wareegtay Hawada

Soomaaliya Oo La Wareegtay Hawada

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa warbaahinta u sheegay in maanta lagu guuleystay in magaalada Muqdisho la keeno shaqaalihii ka howlgali jiray xarunta laga maamulo hawadda Soomaaliya ee magaalada Noirobi.

Wasiirka waxaa uu sheegay in ay tahay guul weyn oo ay dowladda Soomaaliya gaadhay, islamarkaana wixii maanta ka dambeeya magaalada Muqdisho ay ka shaqeyn doonaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale ayaa sidoo kale tilmaamay in inta badan qalabkii yaallay Kenya la keenay Muqdisho.

‘’Waxaaan soo wareejinayay oo halka (Muqdisho) ka howlgali doona shaqaalihii ama howlwadeennadii Nairobi ka maamulayay hawada Soomaaliya  tan iyo 1993dii, kuwaa oo halbowlo u ahaa maamulka hawada Soomaaliya’’ ayuu yidhi Wasiirka.

 

Wuxuu sheegay Wasiirka in shaqaalaha soo gaadhay magaalada Muqdisho gaadhayaan ilaa 34 qof oo ka mid ahaa howlwadeennadii maamulka hawada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Dhamaadkii 2017-ka in lasoo wareejiyay hawadda Soomaaliya oo wixii ka dambeeyay burburka Soomaaliya ay gacanta ku haayeen Hay’addo iyo dowlado Shisheeye.

Dawladda Somaliland ayaa si weyn uga soo horjeeday wareejinta hawada ee Muqdisho laga maamulayo waxaana dhawr jeer saxaafadda ku dhexmaray Somaliland iyo Somalia buuq arrintan ku saabsan laakiin, lama oga waxa ay ku dhaqaaqi doonto Somaliland.

Source Hiiraan

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.