Soomaaliya Oo Dib U Baryaysa Imaaraadka Carabta

0
699 views
UAE Oo Ka Falceliyay Lacagtii Somalia Ka Qabsatay

Soomaaliya Oo Dib U Baryaysa Imaaraadka Carabta

Dawladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal muujinaya in ay ka soo dabacday mawqifkii ay ka taagnayd xidhiidhka dawladda Carbeed ee Imaaraadka Carabta. Qoraalkan ayaa yimid markii shalay dawladda Imaaraadku shaacisay in ay joojisay hawlaha iskaashiga military ee Soomaaliya oo ahaa in ay tababar iyo mushahar siin jirtay kumanaan ciidamada Soomaaliya ah, kana taageeri jirtay budhcad badeeda argagixisada iyo dhismaha ciidamada Soomaaliya.

Warqoraal ah oo ka soo baxay Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Imaaraadka iyo Soomaaliya leeyihiin xidhiidh soo jireen ah oo dhanka dhaqaalaha, siyaasadda iyo dhaqanka ah. Waxay Somalia sheegtay in hoggaamiyeyaasha Somalia ay ka go’an tahay sii wadida heshiiska taariikhiga ah ee qarniyada badan ka dhexeeyay labada dal.

Xukumadda Muqdisho waxay sheegaysa in ay diyaar u tahay dhammaynta wixii is fahan la’aan soo kala dhex gashay Muqdisho iyo Abu Dubai, islamarkaana Imaaraadka ay ka rajaynayaan sii wadida heshiisyada ku saabsan la dagaalanka Argagixisada iyo bahwadaagnimada ganacsiga.

Qoraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lacagtii Imaaraadka ee 8 bishan lagu qabtay Muqdisho dawladda Abu Dubai caddaysay waxa lagu qabanayo, islamarkaana Soomaaliya diyaar u tahay in laga wada shaqeeyo taas oo macnaheedu tahay in Imaaraadku lacagtiisa dib u helo.

Mawqifka cusub ee Soomaaliya waxa uu imanaya maalin kadib markii Imaaraadku meel adag iska taaggay xidhiidhka labada dal, islamarkaana saraakiishiisa kala baxay Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu imanaya maalin kadib markii uu dhammaaday kulanka Carabta iyada oo uu jiro war sheegaya in Imaaraadku kulanka geeyay dacwad ka dhan ah Muqdisho oo uu gaadhsiiyay Sucuudiga kulanka marti galiyay.

Soomaaliya ayaa markii lacagta ay qabsatay ku sheegtay faro gelin, islamarkaana si degdeg ah u sheegtay in ay ciidamada Imaaraadku gacanta ku hayay la wareegtay arrintaas oo dawladda Imaaraadku si cadho leh uga hadashay kuna tilmaantay ku xadgudubka heshiis iskaashi oo 2014 la kala saxeexday iyo shuruucda caalamiga ah iyo dhaqanka diblamaasiyadda.

Imaaraadka ayaa shalay sheegay in ay ka baxeen heshiiska iskaashiga labada dal ee 2014 laakiin, lama oga waxa iska bedeli doona.

Soomaaliya Oo Dib U Baryaysa Imaaraadka Carabta

UAE Oo Ka Falceliyay Lacagtii Somalia Ka Qabsatay

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here