Soomaaliya: Baarlamaanka Oo Diyaarinaya Mooshin Ka Dhan Ah Imaaraadka Iyo Halista Somalia Kala Kulmayso Farogelinta Shisheeye

0
4 views

Muqdisho(Sayruuq) Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay diyaarinta mooshin ka dhan ah dowladda Isku tagga Imaaraadka Carabta oo lagu eedeeyay in ay fara gelin ku heyso arrimaha siyaasadda Soomaaliya. Waxa la rumaysan yahay in Imaaraadku ka shaqeeyay mawqifyada maamul gobolleedada Soomaaliya ku taageereen xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadka, islamarkaana xidhiidhka ugu jareen dalka Qadar oo macaamil fiican ka dhexeeyo xukumadda Farmaajo.

Xildhibaan Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in mudaneyaasha baarlamaanka qaarkood wadaan mooshin lagaga soo horjeedo dawladda Imaaraadka. Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeynayaa in ay faragelin toos ah ku hayso Siyaasadda Soomaaliya, kaddib go’aankii dhexdhexaadnimada dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay Khilaafka dalalka Khaliijka  Carabta ka taaggan.

Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa qaarkood dhawaan tageen Magaalada Abu Dubai ee dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta. Waxa ay kulamo la qaateen madax ka tirsan Imaaraadka, si ay taageero ugu fidiyaan go’aankii xulufada Sacuudiga ay ku xannibeen dowladda Qatar. Arrintan ayaa mushkilad ka dhex abuurtay maamullada Soomaaliya iyo Xukumadda Farmaajo oo aanay awooddeedu dhaafsanayn Muqdisho.

Waddamada faraha kula jira Soomaaliya ayaa mid walba doonaya in Soomaaliya loo maamulo sida dantiisu ku jirto, taas oo u muuqata cunay ama ciideeyay “Waxaan qaba in Soomaaliya maanta ka liidato markii gumaysigii Talyaanigu haystay, sababta oo ah markaas dadka intiisa badan in gumaysti haysto oo caddaan haysto oo gaalo qabsatay way aamminsanaayeen. Dadkaasi ma haysan idaacaddo, baraha bulshada(Social Media) oo ilaa Geeljireheenu hadda hayso ma jirin, moobillo may haysan haddana shucuurta caamka ah ayaa ahayd ‘waar caddawga aan iska xorayno’ sidaas waxa yidhi xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxaanu intaasi raaciyay in dadka Soomaaliya hadda la iska wada horkeenay oo ay dhabarka isu jeediyeen.

Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa taageero dhaqaale iyo mid ciidan siisa Soomaaliya, iyada oo tababarro siisa ciidamada Soomaaliya. Sidoo kale Sucuudiga ayaa Soomaaliya dano badan kaga xidhan yihiin laakiin, Turkiga oo ah waddanka ugu weyn ay bahwadaag yihiin Soomaaliya ayaa la rumaysan yahay in xukumadda Farmaajo uu caddaadis ku saaray in aanay Sucuudiga iyo Imaaraadka u hoggaansamin. sidoo kale dawladda Qadar ayaa bixisay dhaqaalihii uu Madaxweynaha ku noqday Farmaajo xilligii ololihii sida dhawaan lagu sheegay warbixin lagu daabacay  warbaahinta dunida la hadasha ee DW ee Jarmalka.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here