Home Somali News SOOL: Ciidammada Qaranka oo Magaalo ay Nabadayn u tageen ku waayay Saddex Askari !!

SOOL: Ciidammada Qaranka oo Magaalo ay Nabadayn u tageen ku waayay Saddex Askari !!

2 min read
0
0
635

Laascanood (Sayruuq)-Warar ka imanaya Gobolka Sool, ayaa sheegay in Saddex Askari oo ka mid ahaa Ciidammo Milletariga Somaliland lagu dilay degmada Dharkeyn-geeyo oo 75KM dhanka Galbeed ka xigta Magaalada Laascaanood Maanta gelinkii hore.

 

Ciidammo ka tirsan Milletariga ayaa Saaka Dharkeyn-geeyo u tagay inay bilaabaan qorshe Nabadeed oo ay ku Walaalaynayaan laba Beelood oo muddo dheer ku dagaalamayey halkaasi, laakiin markii ay gudaha u galeen degmadaas, ayaa sida la sheegay dablay hubaysan oo halkaa ku sugnaa Rasaas ku fureen, taasi oo sababtay Dhimashada Saddexda Askari, sida ay xaqiijiyeen Dad ku sugan Dharkeyn-geeyo.

 

Lama sheegin, wax jawaab ah oo Ciidammadu ka bixiyeen weerarkaas, wallow Mareegaha Internet-ka laga Akhriso ee kala taageersan Beelaha Sool ay qaarkood ku warrameen in Ciidammada Qaranku dileen mid ka mid ah Dablayda weerartay.

 

Taliska Ciidammada Qaranku wax war ah kama soo saarin dhimashada Saddexda Askari, kuwaasi oo markii dambe Meydadkooda loo qaaday dhanka Magaalada Laascaanood.

 

Ciidammadan ay dablaydu weerartay, ayaa Dharkeyn-geeyo u tagay inay fuliyaan Go’aamo Xukuumaddu ka soo saartay Colaadda Beelaha Baharar-same iyo Qayaad (Dhulbahante), kuwaasi oo Dagaalladii halkaa ku dhex maray iskaga dilay 79 Ruux, Dad laba Boqol ku dhowna iskaga dhaawacay.

 

A.a. Carab

Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Somali News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Dawladda Somaliland Oo Beesha Caalamka Ka Codsatey In Cadaadis La Saaro Dalka Somaliya

London (Sayruuq) Dawladda Somaliland, ayaa ug baaqday dawladda dhawaan la doortay ee Sooma…