Somaliland:“Saldhigu Wuxuu Yeelan Doonaa Saameyn Colaad Inoo Keenaysa” Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro

0
32 views

Hargeysa(Sayruuq)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilladda ahna Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa  sheegay in saldhiga millatari ee dalka Imaaraadka carabtu doonayaan inay ka furtaan Berbera uu Somaliland u keenayo saameyn xun oo colaad u geynaysa.

Sidaa waxa uu Cabdiraxmaan-Cirro ku sheegay mar uu caawa la hadlayay qaar ka mida warbaahinta,waxaanu tilmaamay in fadhiga wada jir ah ee maalinta Axadda Beri Madaxweynuhu iskugu yeedhay labada aqal ee Baarlamaanka (Guurtidda iyo Wakiiladdu) uu khilaafsan yahay nidaamka Goleyaashu ku shaqeeyaan.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu mudaneyaasha Goleyaasha Baarlamaanka ku booriyay inay magac qaataan ama naaneys xun qaataan.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa sidan ku sheegay mar uu caawa qaar ka mid ah warbaahinta uu kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu ugu horreyn uu sheegay in uu la mawqif yahay bayaankii Xisbiga WADDANI iyo dhawaaqii ka soo yeedhaayey xildhibbaanada Xisbigaasi ugu jira Golaha Wakiilada ee liddiga ku ahaa  saldhiga Milatari ee Imaaraadka

“Fariinteydu waxa ay ku saabsan tahay maadaama oo Xisbiga WADDANI uu hore u caddeeyey mawqifkiisa uu ka taagan yahay saldhiga Milatari ee Somaliland ay sheegtay in ay siisey dawladda Imaaraadka ee magaalada Berbera, maadaama xildhibbaanada Golaha Wakiilada ee iyagu na ka soo jeeda Xisbiga WADDANI ay caddeeyeen mawqifkooda una caddeeyeen shacbiga reer Somaliland, waxaan aniga oo ah guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI waxa aan shacbiga reer Somaliland u caddeynayaa in aan la mawqif ahay Xisbiga iyo weli ba xildhibbaanada ka soo jeeda Xisbiga WADDANI ee Golaha Wakiilada ee caddeeyey in aan saldhiggaas Milatari wax dan ahi ugu jirin.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiye Cirro waxa uu sida oo kale sheegay in saldhiggaasi aanu manfac iyo magactoona u lahayn qaranimada Somaliland isla mar ahaantaana dawladda la siinaayo saldhiggaasi ay aaminsan tahay Midnimada Somaliya, waxaana uu yidhi:

“Su’aasha ugu horreysa ee aynu is weydiineynaa shacbi ahaan waxa weeye baahi ma u qabnaa saldhig Milatari?. Jawaabtu waa maya. Muwaadin kastaa ha isweydiiyo muxuu innoo soo kordhinayaa saldhigani!!.  Ma magac, ma maamuus, ma qiime mise Ictiraaf. Intaas oodhan jawaabtoodu waxa weeye midna innooma soo kordhinaayo. Waxa jirta in dawladda aynu saldhiga siineynaa, waxa ay u aqoonsan tahay Somaliland  qeyb ka mid ah Somaliya, sidaas daraadeed magac, maamuus iyo qaranimo mid innoogu soo kordheysaa midna ma jiro.”.

Dr.Cirro, waxa uu sida oo kale uu isbarbar-dhig uu ku sameeyey manfacyaddii dhaqaale ee laga heli jiray saldhigyaddii Milatari ee Mareykanka iyo Ruushku ay ku lahaayeen Somaliland iyo dhaqaalaha sanadlaha ah ee dawladda Imaaraadku dooneyso in ay ku dhaafsato Saldhiggaasi Milatari.

“Haddii aynu aad isu weydiino maxaa manfac innoogu jira?. Waxaan idiin sheegayaa wax manfac ah oo innoogu jiraa ma jiro oo sida la caddeeyey Dhukmentigii ugu horreeyey ee dawladda Imaaraadku ay ku soo codsatay Saldhiga waxa ku caddaa in kirada Saldhigu tahay 1.2 Milyan dollar oo sannadkii ah, qiimahaasi na inta uu leeg yahay waad garaneysaan. Saldhiga Berbera waxa hore u adeegsaday dawladda Mareykanka iyo dawladda Ruushka, waxaana wakhtigaas ay dawladda Ruushku ugu bedeshay dawladdii Somaliya in ay dhisto ciidankii ugu xoogga weynaa Afrika madow, dawladda Mareykanka oo iyadu na 1981kii iyadu na Somaliya heshiis kula gashay in ay isticmaasho oo keliya, waxa sannadkaas 1981kii uu qiimahu ku joogay Boqol Milyan oo dollar oo wakhtigaas joogay, lacagtaas haddii maanta la qiimeeyo waxa laga yaabaa in ay u dhiganto Hal Bilyan oo dollar, markaa wax manfac ah oo la sheegaa ma jiro, se markii dadku la yaabay waxa hada shacbiga loo sheegaa in mashaariic looggu bedelaayo.”.Ayuu yidhi Cirro

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, waxa kale oo uu meesha ka saaray in saldhiggaasi uu dhaxal u lee yahay caruurta Somaliland ee mustaqbalka dambe isaga oo tilmaamay in saldhiggaasi uu saameyn khatar ku yeelan doono mustaqbalka Somaliland, waxaana uu yidhi:

“Maxaa dhaxal innoogu jira, oo caruurteena dhaxal ma u lee yahay mashruucani?. jawaabtu waa maya!. Sida aynu wada ognahay muddo 25sanadood ah ayeynu qeyb dhulkeena ka mid ah aynu dal shisheeye bilaash u siineynaa, 25kaa sannadood macnahoodu waxa weeye dhulkaa inagu ma lihin oo awood uma lihin aynu ku galno, 25sannadood kama kicin karno, oo saldhigyada Milatarigu taariikho ayey lee yihiin, waxaana aad ka warqabtaan saldhiga Milatari ee Kotanaamobey ee ku yaala dalka Kubba. Markaa Mareykanku boqol sanno ka hor ayey la saxeexatay dalkaas Kuba, dawladda Kuban a waxa ay awood u weyday si ay dhulkeeda uga kiciso Mareykanka. Taa macnaheedu waxa weeye 25kaa sannadood dhul aanad lahayn oo dalkaaga ku yaala in aanad ka hadli Karin, waxa ay ila tahay dhaxal uga tegi mayno caruurteena oo dhaxal xun baynu uga tegaynaa.”.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa kale oo uu ka hadlay saameynta colaadeed ee uu saldhiggaasi ka sababi karo guud ahaan gobalka iyo wadamada ku hareeraysan gacanka cadmeed oo uu sheegay in khatar colaadeed ay ka iman karto wadanka Yeman ee uu ka socdo dagaalka u dhaxeeya iyaga iyo dawladda Imaaraadka.

“Waxa kale oo intaas dheer saameyn colaadeed oo uu saldhigu innoo keeni doono, waxa aynu ka warqabnaa in dalka Yeman iyo Somaliland ay isku jiraan 90Mile ama 90KM oo dalka Saldhiga la siinayaa waxa uu dagaal kula jiraa dalka Yeman, waxa aynu inagu ka cabaneynay berigii Somaliland ee SIyaad Barre in la innagu garaacayey dayuurado, markaa dayuuradaha ka kaca Berbera ee soo duqeeya Yamen waxaa xaqiiq ah in aynu jawaab colaadeed ka heli doono, taas oo nabad-galyada ay Somaliland ku faaneyso iyo dalkeena ba khatar gelin karta.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiye Cirro oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, waxaa uu shaki geliyey jiritaanka heshiis u dhaxeeya Somaliland iyo dawladda Imaaraadka, waxaana uu yidhi:“Haddii intaas oodhan la iska dhaafo, waxa aynu isweydiineynaa horta heshiis ma jiraa ?. Inkasta oo shir guddoonka labada aqal ay Madaxtooyadu u sheegtay in ay goleyaasha keenayso heshiis ay la gashay dalka Imaaraadka Carabta se hada na wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxa uu caddeeyey in haba-yaraatee aanu jirin wax heshiis ahi oo ay wada saxeexdeen jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Iskutaga Imaaraadka Carabtu. Se waxa isweydiin leh maxaa berig golaha la horkeenayaa?. Bal adba garo, waxa se ay ila tahay waa ay iska soo bixi doontaa. “.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa kale oo uu sharci darro ku tilmaamay in labada Gole Baarlamaan la horkeeno heshiiska la gelaayo Imaaraadka, isaga oo xusay in Golaha Wakiiladu xaq u lee yahay ansaxinta wixii heshiisyo ah.

“Dastuurku waxa uu qodobka 38aad uu ku caddeeyey farqaddiisa lixaad in waxyaabaha ay labada Gole iskugu iman karaan ay fadhi wada-jir ah ka yeelan karaan, se heshiis ay Xukuumaddu la gasho dal kale kuma jiro waxyaabahaas oo marka heshiis ay noqoto ama ansaxin waxa uu dastuurku siiyey Golaha Wakiilada sida ku qoran ee ku cad qodobka dastuurka ee 53aad, farqaddiisa saddexaad, wixii ansaxin ahna dhammaan waxa iska leh Golaha Wakiilada sida aad ka warqabtaan, haddii ay Miisaaniyad tahay iyo haddii ay tahay ba wasiiro la ansaxiyo iyo heshiisyo ba. Fadhigaas na waa keliya ee aanu ku tix-gelinay waxa weeye oo keliya in uu soo codsaday Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland in uu la kulmo labada Gole Baarlamaan ee Somaliland. Walaaleyaal fadhigani waxa uu khilaafsan yahay nidaamka ku xadidan dastuurka ay ku shaqeeyaan Goleyaashu, taasi na waxa ay innoo sheegaysaa in aanu sharcigu guur guurin ee dadku guur guuro.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiye Cirro, waxa kale oo uu Baarlamaanka Somaliland uu ka codsaday in aanay dhuuni ka dooranin danta qaranka balse ay magac ka raacaan oo ay shacabka Somaliland ka difaacaan wixii hagardaamo ku keenaya, waxaana uu yidhi: “Waxa ay u eeg tahay in aynu indho isku qabad hebad u noqonay haddii aynu nahay Baarlamaanka Somaliland, markaa Mudaneyaaal, maanta xilku idinka ayuu idin saaran yahay, waajibaadka Baarlamaanada na waxa ka mid ah in ay Xukuumadda daba-galaan oo wixii ka xun ay toosiyaan, in ay ku shaqeeyaan dareenka dadka shacabka ay metalaan, waxaana ay ila tahay in maanta(Berito) ama magac baydin qaadan doontaan ama naaneys xun baydin qaadan. Odey Xakiim ah oo goleyaasha ka tirsani, waxa uu beri hore yidhi isaga oo la dardaarmayaa Goleyaasha uu ku yidhi caloolna waad lee dahiin, caqlina  waad lee dihiin se maanta waxa aan idin lee yahay waar caqliga doorta.”.

Waxa kale oo uu guddoomiye Cirro ka hadlay kala xadeynta awoodaha hay’adaha qaranka Somaliland oo uu sheegay in ay u nuglaadeen Xukuumadda, waxaana uu yidhi:- “Kala xadeynta awoodaha waaxyaha qaranka waxa ay ila tahay in aanay qarsooneyn in maanta waaxahii kale ee qaranku ay u nuglaadeen Xukuumadda haddii ay yihiin Garsoor iyo haddii ay yihiin sharci dejin ba, waxaana aad ka warqabtaan in maalmahan ba xubnaha labada aqalba reer reer iyo qof qof ba Madaxtooyada looggu yeedhaayey iyaga oo laga codsanaayey heshiis aan jirin sida wasiirka arrimaha dibaddu sheegay in loo ansaxiyo.”.

Ugu dambeyntii, waxa uu guddoomiye Cirro ka codsaday shacabka Somaliland in ay baahi weyn u qabaan siddii ay ugu soo gurman lahaayeen Baarlamaanka Somaliland

“Baarlamaanka laftiisu waxa uu shacabka Somaliland uga baahan yahay gurmad, waxaanan shacbiga ugu baaqayaa in Baarlamaanka loo soo gurmado.”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here