Somaliland Waa Quwad Ka Soo Baxaysa Geeska Afrika

0
1,842 views
Somaliland Waa Quwad Ka Soo Baxaysa Geeska Afrika

Somaliland Waa Quwad Ka Soo Baxaysa Geeska Afrika

Biyaha ku xeeran Somaliland waxa loo arka kuwo istaraatijiyad muhiim ah u leh waddamada Khaliijka Carabta maaddaama ay qayb ka tahay biyaha badda Cas ee uu maro marin biyoodka Abab Almandab oo ah mid mashquul badan, islamarkaana la mariyo shidaalka laga soo saaro bariga dhexe.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo u warramay warbaahinta Arab News waxa uu sharraxay muhiimadda meesha ay ku taallo Somaliland “Dunidan maanta waxaanu u nahay meel muhiim ah, waxaanu kaashanayna ciddii nagula saaxiibta waxaanu iska caabiyayna ciddii na hadimaynaysa. Meesha aanu ku naalo ee muhiimka ah ayaanu dunida u isticmaalayna,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Biixi oo sharraxaya asbaabaha Somaliland ku kala dooratay xulufada Sucuudiga iyo Qadar wuxuu sheegay in ay Imaaraadka iyo Sucuudigu masaafo ahaan u dhaw yihiin Somaliland. Waxa uu sheegay in Imaaraadku yahay meesha ay wax u soo maraan, sidoo kalena Sucuudigu la leeyahay iskaashi loona tago xashka.

Danjiraha Somaliland ee Imaaraadka Baashe Cawil ayaa sheegay in dawladda Iiraan sanadkii 2016 Somaliland waydiisatay in ay cilaaqaad la samaysato Somaliland, islamarkaana isticmaasho dekedaha Somaliland laakiin, arrintaasi laga diiday. Waxa kale oo uu sheegay in Turkigu si weyn u danaynayay in uu maalgashado madaarka caalamiga ah ee Hargeysa isna laga diiday.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay sababta loo diiday maalgalinta Turkigu waxa uu sheegay in ay xidhiidh dhaw la leeyihiin Muqdisho oo aan ogolayn qaddiyadda Somaliland, islamarkaana si dhinacsan u maalgaliyaan.

Warbaahinta Arab News oo ka mid ah warbaahin Carbeed iyo kuwa caalami ah oo Somaliland socdaal ku jooga waxay Somaliland ku macnaysay quwad ama jilaa siyaasadeed oo muhiim ah oo ka soo baxaysa Geeska Afrika.

Waxa warbixinta Arab News lagu sheegay in dawladdaha Turkiga iyo Iiraan xiisanayaan xidhiidhka Somaliland iyaga oo u arka goob muhiim ah oo ku taalla meel ku haboon afaafka ay Afrika ka galayaan.

Self-styled desert republic Somaliland emerges as key player in Horn of Africa

Warbaahinta caalamka iyo tan dunida Carabta ayaa muddooyinkii u dambeeyay si baaxad leh u tabinayay Somaliland waxaanay noqotay goob ajandaha dunida ku soo biirtay oo warbaahinta dunidu ka bixinayso sawir toggan.

Geesta kale todobaadadii u dambeeyay waxay warbaahintu tabinaysay in dawladda Ruushku danaynayso Somaliland, islamarkaana doonayso saldhig Militari oo ay ka samaysato magaalada Saylac ee u dhaw xadka Jabuuti. Jabuuti ayaa hoy u ah dawlado door ah oo Maraykanku ka mid yahay waxaanu hore Ruushku saldhig ugu lahaa Berbera oo hadda Imaaraadka Carabta la siiyay.

 

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here