Somaliland & Puntland OoTukaraq Ku Dagaallamay

0
296 views
Somaliland & Puntland OoTukaraq Ku Dagaallamay

Somaliland & Puntland OoTukaraq Ku Dagaallamay
Degaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxa uu xalay niskii hore dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland oo halkaas isku hor fadhiyay ilaa horraantii sanadkan. Ciidamada Puntland ayaan weerar gaadmo ah ku soo qaaday Somaliland sida ay sheegayaan wararka hor dhaca ah lamana oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo isla xalayba is taagay.

Dagaalka ayaa imanaya iyada oo ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Amb Nicholas Haysom shalay iyo dorraad Garoowe iyo Hargeysa u joogay sidii xal looga gaadhi lahaa colaadda Tukaraq ee soo noqnoqotay lamana oga sababta maamulka Puntland u carqaladayso nabadda xilliyada beesha caalamku dhaqdhaqaajiyo dadaallo nabadeed.

Geesta kale isla xalay ayaa degaanka Dararweyne lagu dilay nin dadka degaanka ka mid ah. Ma jiro war ka soo baxay sababta dilka iyo cidda ka dambeysay. Waxa halkaasi hore uga dhacay dagaallo laba beelood u dhexeeya kuwaas oo dhawaan heshiis la dhex dhigay.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.