Somaliland Oo Viisaha Imaaradka Loo Ogolaaday

0
2,120 views
Somaliland Oo Viisaha Imaaradka Loo Ogolaaday

Somaliland Oo Visha Imaaradka Loo Ogolaaday

Hargeysa(Sayruuq)- Dawaladda Isu-taga Imaaradka Carabta ayaa si rasmi ah u bilowday bixinta VISAHA dalku galkooda kaasi oo ay siinayso passporka Somaliland, warar xogogaal ah oo ay heshay shabakadda SayruuqNews ayaa sheegaya in bilowgii bishan April si rasmi ah loogu dhuftay mawaadiniin u dhalatay somaliland Visaha Dalkaasi Vissahan ayaa ah mid Electorny ah kaasi laga dalbanaayo Internetka.

Passporka somaliland ee visaha lagu bixinayo ah kan hadda ay soo saaraan hayadda socdaalka ,isagoo lagu bixinaayo qaab iliktarooni aha E VISSA waxaanad dalban karaysaa adigoo jooga xafiiskaaga ,gurigaaga iyo waliba mobilkaaga laftiisa ka dalban karaaya, arrinta kaliye ee visaha ku qoran marka la tago qeybta dhalashadda ayaa ah, “wuxuu u dhashay Jamhuuriyadda Soomaliyadda Midowday”  talaabadan ayaa imanaysa kadib markii xidhiidhka u dhexeeya somalia iyo Imaaraadku xumaaday islamarkaan dhamaan agabkii iyo ciidam iyo kii caafimaad ee ka yaalay Muqdisho ay maanta ku so rarteen markab.

Waa E Vissa La Siiyey Muwaadin Somalilander ah
Passporkii la siiyey E Visaha

Somaliland ayaa vissa ka hesha wadamo badan oo addunka ah oo ay ugu horeeyaan kuwa jaarka balse lama arag passporka iyo vissaha oo kale magac noqdda marka la eegayo dhanka dhalashadda .Ethiopia oo Qunsuliyad ku leh Hargeysa waxay vissaheeda ku qortaa somalilander halka ay dowladda Imaaradku ku qortay Somalia (oo carabi ahaana ay u qoreen -Jamhuuriyadda Soomaliyadada Midowday) taasi oo loo micnaysan karo inay u dhigeen magacii 1960 markii labadda dowladoodu isku bireen.

Isku soo wadda duubo talaabadan ayaa noqonaysa mid u fududaysa muwaadininta somaliland ka gudubka caqabadiihii Ictiraaf la`aantu keentay, waxayna horseedi doonta kolsooni buuxaadda oo laga helo passporka somaliland.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.