Somaliland Oo UN-ta Wakiil Ka Doonaysa

0
Somaliland Oo UN-ta Wakiil Ka Doonaysa

Somaliland Oo UN-ta Wakiil Ka Doonaysa
Hargeysa(Sayruuq) Dawladda Somaliland ayaa Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa ugu baaqday in ay wakiil gaar ah u soo magacowdo Somaliland kadib markii dhawaan ay Soomaaliya eriday wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kaas oo Somaliland-na la shaqaynayay.

Inta badan wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale wakiil uga noqda Somaliland. Wakiillada la shaqeeya Hargeysa iyo Muqdisho ayaa lagu magacaaba safiirrada Somaliland iyo Somalia waxaana maalmihii u dambeeyay laga dareemayay warbaahinta Madaxtooyada Somaliland oo bedeshay habkaas, islamarkaana wakiillada u yimaadda ku sheegaysay kuwo ka socda dal hebel.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir ayaa baaq u diray Qaramada Midoobay “Qaramada Midoobay waxaan u sheegaynaa inay dal walba sidiisa ula xisaabtamo, oo cid uga wakiil ah ay keenaan, Somaliland waxay Qaramada Midoobay kula talinaysaa inay ergay u khaas ah u soo magacaaban, oo ergay halkan u jooga ay keenaan, Somaliya iyo Somaliland shuqul iskuma laha, waana laba dal oo kala gaar ah, mana haboona inay ergay wada yeeshaan, ee waxaanu Qaramada Midoobay leenahay waxaanu leenahay dal jira oo madax banaan, waanada ka war qabtaana waxaanu qabsanay, iyo heerka aanu ka gaadhnay Dimuqraadiyada iyo nidaamka.

Dawladnimo,Somaliyana mar hore ayaanu kala soconay, anaga oo markii horeba laba dal kala ahayn, markaas Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Midawga Afrika, Jaamacada Carabta iyo IGAD-ba, waxaanu leenahay jiritaanka Somaliland wax qarsoon maaha, suurtagalna maaha in aanu Somaliya mar dambe aanu la midawno, midawgayagii hore ayaanu ka qoomamaynaa, ee waa inaad Somaliland jiritaankeeda qirtaan,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Faratoon oo wargeyska Geeska Afrika u warramay.

Qaramada Midoobay ayaa la filaya in ay ergay u soo magacowdo Soomaaliya waxaanu wasiir Faratoon sheegay in ay la shaqayn doonan masuul kasta oo ay soo dirato Qaramada Midoobay. Waxa uu sheegay in aanu wax dambi ah galin wakiilkii hore ee Soomaaliya eriday Mr Nicholas Haysom.

Source: Geeska
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.