Somaliland Oo U Jawaabtay Madaxda Somalia

Somaliland Oo Doonaysa In Beesha Caalamku Cadaadis Saarto Cabdiwali Gaas Oo Socdaal Ku Yimid Bariga Sanaag

0
461 views
Somaliland Oo U Jawaabtay Madaxda Somalia

Somaliland Oo U Jawaabtay Madaxda Somalia
Hargeysa(Sayruuq) Dowladda Somaliland ayaa sheegtay inay dacwad ka dhan ah hoggaamiyaha Maamulka Puntland Cabdiwali Gaas u gudbisay Beesha Caalamka, taas oo ay kula socdiisanayso socdaalkii uu ku yimid magaalada Badhan ee gobolka Sanaag oo Somaliland u aragto xadgudub iyo xaalad abuur dagaal.

Wasiirka arrimaha dibeddda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo la hadlayey Saabtv waxa uu marka hore ka jawaabay hadal dorraad ka soo yeedhay ra’isal wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ku saabsan In madaxda Muqdisho diyaar u tahay in Somaliland iyo Somalia khilaafkooda u xallistaan si la mid ah Ereteriya iyo Itoobiya, islamarkaana is dhaafsadaan socdaalo madaxdu Hargeysa iyo Muqdisho ku kala tagto waxaanu yidhi “Halkaa islamaynaan gaadhin, wey jiraan wadamo Geeska ku yaala oo Khilaaf ka dhaxeeyey inay caasimadahooda labaduba ay siyaarteen, laakiin inagu halkaa ma joogno oo wadamadanu waa wadamo is aqoonsan, marka aynu is aqoonsano markaas ayey imanaysaa taasi,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “ Inagu waxaynu doonaynaa xaqa aynu u leenahay in la ina ictiraafo oo aynu noqono wadamada xorta ee ku jira ama kamid ah ururka Midowga afrika jimciyada quruumaha ka dhaxaysa sida wadamada kale ee jaarkeenaba arrinkaasi waa arrin aynu xaq u leenahay waanaynu go’aansanay kamanaynaa tanaasulin kana tanaasuli mayno, wax yaabaha ka dhacaya Geeska afrikana waxay arrinkaas ka badelayaan ma jirto waxaan rajaynayaa inay soo dhaweyso, mar haddii la isla gartay in wixii khilaafaad ah ee jira lagu dhameeyo wada haddal inaga laftigeenu kaas baynu diyaar u nahay gogol ayeynu wada fadhiisanay inaga iyo Soomaaliya laga soo bilaabo 2012kii taa waxba iskama badelin inaynu khilaafkeena ku dhammayno wada haddal diyaar ayeynu u nahay, laakiin qadiyadu marka ay timaado xorrnimada iyo gooni isutaaga Somaliland arrinkaa wax alaale wax iska badelay ma jiro wuxuu wasiir badeli karo ama Dowladii badeli karto maaha waa arrin Dastuuriya Dadka sidaa doortay Dadkaana xukumaaya ..” ayuu yidhi Sacad Cali Shire.

Dhanka kale Wasiir Sacad ayaa sheegay in Somaliland ay dacwad ka dhan ah Madaxweynaha maamulka Garoowe u gudbisay beesha caalamka “ Waan Cambaaraynaya socdaalka uu Cabdiweli Badhan ku yimi, wuxuu ka soo talaabay xadkeenii arrinkaasu waa daan-daansi waa badheedh wuxuun-baa ka dhalan kara Dagaal Somaliland xaq ayey u leedahay xuduudaheeda iyo Magaalooyinkeeda iyo Dadkeeda intaba inay difaacdo, cabasho ayaan u gudbinay Beesha Caalamka ku saabsan arrinkan, waxaanu rajaynaynaa in caalamku uu saaro culays in mardambe arrinkaas oo kale dhicin,waayo socdaalkiisii hore ee uu Badhan ku yimi ayaa keenay isku dhicii Tukaraq, kan iminka dambena isku dhac kale ayuu keeni doonaa una malayn maayo inuu caalamku taa diyaar u yahay, markaa waxa loo baahan yahay in culays la saaro si aanay taas oo kale mar dambe u dhicin wixii intaa ka dambeeyaa waxay noqonaysaa iclaamin Dagaal.”

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com
Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.