Somaliland Oo Taageero Siyaasadeed Ka Helaysa Ingiriiska

0
1,029 views
Somaliland Oo Taageero Siyaasadeed Ka Helaysa Ingiriiska

Somaliland Oo Taageero Siyaasadeed Ka Helaysa Ingiriiska

Fadhigii Baarlamaanka Britain  ee khamiistii shalay ayaa lagu soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana  Wasiirka Kaalmada dibadda u qaabilsan Britain,  Penny Mordaunt, wax laga weydiiyey sababta  Ingiriisku u taageeri waayey Somaliland oo   saaxiibtinimo soojireen ahi ka dhexayso.

Siday baahisay  wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, Xildhibaan  Bob Stewart oo ah Mudane laga soo doorto  degmada  Beckenham oo ku taalla  koonfur bari ee magaalada London, kana tirsan xisbiga Conservative Party,-ga, ayaa  sheegay inuu  Somaliland indhihiisa ku soo arkay oo ay ahaan jirtay maxmiyadii Ingiriiska oo la odhan jiray “British Somaliland”, waxaanu weydiiyey wasiirka kaalmada dibadda Britain  Mrs. Penny Mordaunt, waxay u caawin waayeen Somaliland oo uu caddeeyey inay tahay   saaxiib weyn oo mar walba garab taagan Ingiriiska.

Wasiirka Kaalmada dibadda ee Britain, Penny Mordaunt, ayaa sheegtay inay xildhibaanka uga mahadcelinayso su’aasha uu weydiiyey ee ku wajahan Somaliland,  waxaanay shaacisay inay Somaliland ka caawiyaan  dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, gargaarka bini’aadanimo  isla markaana wax kala qabtaan  dhinaca ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada.

Wasiirka mucaawimada dibadda UK, waxa kaloo ay  intaas ku dartay  inay dawladda Ingiriisku  taageerto Guddida doorashooyinka Somaliland si ay u hirgeliyaan hawlaha doorashooyinka.

Xildhibaan Bob Stewart oo ah mudane waayo arag ah, waxa uu ka mid yahay xildhibaannada Ingiriiska ee taageera ee sida dhow ula socda qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland, waxaanu golaha Baarlamaanka UK ku jiray tan iyo 2010kii. Waxaanu hore uga tirsanaan jiray ciidammada millatariga Ingiriiska, waxaanu ka gaadhay derajada   Kornayl.

Dawladda Ingiriisku waxay maalgelisay kor-joogtadii caalamiga ahayd ee ka qaybgalay doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay Bishii November ee sannadkii hore, waxaanay warbixintii kama dambaysta ahayd ee goobjoogeyaashii caalamka ka socday  ka marag kaceen in si dimuqraadi ah oo xor  ah ay u dhacday doorashadaasi.

Baarlamaanka Ingiriiska waxa ka mid ah xildhibaanno door ah oo ka soo kala jeeda dhammaan xisbiyada dalkaasi kuwaasi oo u ololeeya qaddiyadda Somaliland. 8 mudane ayaa 26 June qoray warqad ay dawladdooda ku waydiisanayaan in ay taageerto madax bannaanida Somaliland oo ay dan badan ugu jirto xidhiidh taariikhi ahna ka dhexeeyo. Mudaneyaashan ayaa inta badan wasiirradooda baarlamaanka ku waydiiya arrimaha Somaliland. Waxaanay tani uga dhigan tahay taageero siyaasadeed oo ay gudaha Ingiriiska ka helayso Somaliland.

Source: SOLNA

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.