Somaliland Oo Si Adag Uga Falcelisay Weerar Puntland Soo Qaaday

0
798 views

Somaliland Oo Si Adag Uga Falcelisay Weerar Puntland Soo Qaaday

Ciidamada Puntland ayaa xalay jid gooyo ku dilay Gaashaanle Saleebaan Cabdi Caateeye oo ka mid ahaa taliyeyaasha ciidamada Qaranka ee Somaliland ee aagga Taleex, waxaanay dhaawac xun u gaysteen maayarka magaalada Taleex ee caasimada gobolka Xaysimo. Waxa weerarka si dirqi ah kaga badbaaday badhasaabta Xaysimo sida uu sheegay wasiirka biyaha Somaliland.

Wasiirka biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore oo arrintan si cadho leh uga hadlay wuxuu sheegay in maleeshiyo beeleed Puntland ah oo ay si fiican u garanayaan halka ay ka soo jeedaan si bani’aadanimada ka baxsan u xasuuqeen haldoorkii iyo nin garbeedkii magaalada Taleex taasna tahay caado hor leh oo ah in madaxda dilal qorshaysan waddooyinka loogu galo.

Waxa uu sheegay in maayarkii Taleex yahay siiriyoos, islamarkaana gacmaha, lugaha iyo meelo kale ka jaban yahay kadib xabado si arxan darro ah loola dhacay. Waxa uu sheegay in badhasaabku si dirqi ah kaga badbaaday oo rasaas lagu eryanayay ilaa 30km.

Wasiir Koore waxa uu sheegay in ay kuwo Puntland ah oo hore xasuuq uga gaystay Taleex ku nabad galeen laakiin, tan ay dib ka ogaan doonan jawaabta Somaliland ka bixiso.

 

 

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.