Somaliland Oo Shuruud Ku Xidhay Wada Hadalka Somalia

0
961 views
Somaliland Oo Shuruud Ku Xidhay Wada Hadalka Somalia

Somaliland Oo Shuruud Ku Xidhay Wada Hadalka Somalia
Xukuuumadda Somaliland,waxay sheegtay in aanay Soomaaliya Wada hadal la hor fadhiisanayn ilaa ay Wada hadalka qeyb ka noqoto gacan Saddexaad,taas oo goor dhaw dabo-gal fullineed ku Saamayn karta qodobadda laysla meel dhigo sida ay masuuliyiinta arrimaha dibadda Somaliland u sheegeen telefishanka Saab.

Xukumadda Somaliland oo aan ka dhex muuqan isbedelka ka socda gobolka Geeska Africa ayaa dhawaan sheegtay in ay rajo ka qabto in ra’isal wasaaraha Itoobiya qayb ka noqdo dhexdhexaadinta Hargeysa iyo Muqdisho. Sidoo kale waxay Somaliland ku gacan-saydhay Soomaaliya oo soo jeedisay in Somaliland iyo Somalia si la mid ah Itoobiya iyo Ereteriya khilaafkooda u xalliyaan.

Mawqifka Somaliland ayaa imanaya xilli beesha caalamku ku celcelinayso in dib loo bilaabo wada hadallada Somaliland iyo Somalia oo socday 2012-2015 laakiin, aan wax natiijo ah laga gaadhin.

Source: Saabtv
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.