Somaliland Oo Noqonaysa Meel Ay Ku Loolamaan Trump & Putin

0
474 views
Somaliland Oo Noqonaysa Meel Ay Ku Loolamaan Trump & Putin

Somaliland Oo Noqonaysa Meel Ay Ku Loolamaan Trump & Putin

Wargeyska The Cajnews Africa oo ka soo baxa waddanka Koonfur Afrika waxna ka qora arrimaha qaaradda ayaa ku warramay in xogo uu Hargeysa ka helay sheegayaan in Ruushku damacsan yahay Saldhig Militari oo uu ka samaysto xeebaha Somaliland oo muhiim u ah badda Cas iyo marin badeedka Suez-ka.

Wargeyska ayaa sheegay in Warkani ku soo beegmay xilli 11-kii bishan ay Maraykanka ka soo baxday warqad xambaarsan walaac ah in danaha Maraykanka ee Jabuuti halis ku jiraan. Senator-ro Maraykanka ah ayaa sheegaya in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku dhacay gacanta Shiinaha.

Wargeyska ayaa sheegaya in hadda Somaliland fursad fiican u haysato Maraykanka maaddaama ay luuqada Ingiriisida isticmaasho halka Jabuuti luuqada Faransiiska isticmaasho sidoo kalena madaxweyne Geelle aanu danayn dimuqraadiyadda.

“Inkasta oo Somaliland bilaa citiraaf tahay, Saldhigga Ruushku ka samaysto meel ka mid ah meelaha ugu istiraatijisan adduunka ee marrinnada biyaha waxay kor u qaadaysa sumcadda Hargeysa, waxaanay Washington ku khasbaysa in ay isku daydo ka hor tagga guul kale oo madaxweyne Putin gaadho, kaas oo bishan soo bandhigay gantaallo ka rido dheer kana dheereeya gantaallo kasta oo Maraykanka ama Shiinuhu haysto,” Sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta wargeyska.

“Jabuuti waxay bad ahaan ku fadhidaa baaxad ku dhaw Kruger National Park(Beer xayawaan oo ku taalla Koonfur Afrika) laakiin, Somaliland waxay ka wayn tahay waddamada Giriigga ama Bulgaariya(Greece or Bulgaria) waxaanay leedahay xeeb dhereran 700km iyo dekedda Berbera ee wakhtigii maxmiyadda Ingiriiska lana isticmaali jiray ilaa xilligii Roomaaniyiinta,” Sidaas ayuu wargeysku ku yidhi warbixintiisa.

Madaxweynaha Maraykanka ayay tahay in uu dib u eego siyaasaddiisa gobolka inkasta oo madaxweyne Geellaha Jabuuti ku adkaysanayo in uu dhexdhexaad u yahay quwadaha saldhigyada ku leh dalkiisa laakiin, isku dhaca Shiinaha iyo Maraykanka ayaa isa soo tarayay baryahan iyada oo dhawaan Maraykanku China ku eedeeyay in uu wadeyaasha diyaaradaha Maraykanka indhaha shucaac kaga qabanayo.

Source:Trump, Putin in power play on the Horn

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here