Somaliland Oo Masaafurisay 12 Qof Oo Sri Lanka U Dhashay

0
617 views
Somaliland Oo Masaafurisay 12 Qof Oo Sri Lanka U Dhashay

Somaliland Oo Masaafurisay 12 Qof Oo Sri Lanka U Dhashay

Hargeysa(Sayruuq) Wasaaradda arrimaha dibadda ee Waddanka Sri Lanka oo kaashanaysa hay’adda caalamiga ah ee socdaalka Dunida (IOM) ayaa dib u celiyay 12 qof oo ah shaqaale Somaliland joogay oo dalkaasi u dhashay. Waxa la sheegay in dadkaasi ay Somaliland xannibtay muran ka dhashay shaqo awgeed.

Wasaaradda Khaarajiga ee Sri Lanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in iyada oo kaashanaysa safaaraddeeda Addis Ababa iyo hay’adda IOM ay ku guulaysatay in si nabad ah loo soo celiyo shaqaale muran dhanka shaqada ah ugu xannibmay Somaliland.

Shaqaalaha ayaa dalkooda Sri Lanka gaadhay galinkii dambe ee Shalay.

“Dawladda Sri Lanka waxay qiraysa doorka shariifka ah ee hay’adda IOM ka qaadatay caawimo ay aad ugu baahnayeen dawladda Sri Lanka iyo dadkeedu oo ah arrintan iyo arrimo horeba,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka Sri Lanka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay u shaqo tagaan meelaha halista ah ama aanay Sri Lanka ku lahayn safaarad iyo Qunsuliyad. Sida la sheegay dawladda Sri Lanka ayaan Somaliland la lahayn xidhiidh diblamaasiyadeed.

Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanayd qorshe dadka ajaanibta ah lagaga joojinayo shaqooyinka ay qaban  karaan muwaadiniintu laakiin, lama oga in arrintaasi saamaysay shaqaalaha reer Sri Lanka.

Source:Sri Lanka Foreign Ministry, IOM repatriate 12 Sri Lankans migrant workers stranded in Somaliland

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.