Somaliland Oo Ku Gacan-saydhay Warka Qaramada Midoobay

0
416 views
Somaliland Oo Ku Gacan-saydhay Warka Qaramada Midoobay

Somaliland Oo Ku Gacan-saydhay Warka Qaramada Midoobay

Hargeysa(Sayruuq) Xukumadda Somaliland ayaa Qaramada Midoobay ku eedaysay in ay warar khaldan ka gudbinaysa degaannada Tukaraq ee ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Soomaaliya ee Puntland, waxaanay meesha ka saartay in ay jiraan barakacayaal meelo iskugu tagay oo ka yaacay dagaalka Tukaraq.

Kuxigeenka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ayaa sheegay in dad gaadhaya 12 kun oo qof ku barakaceen degaannada Tukaraq iyaga oo ka cararaya dagaallada u dhexeeya Somaliland iyo Puntland. Waxa ay hore Qaramada Midoobay u sheegtay in dad gaadhaya boqol iyo konton kun ay saamaysay colaadda Tukaraq.

Xogta kollay Jamhuuriyadda Somaliland kama helin, hay’addaha iyo wasaaradaha ay khusaysana kamuu helin, xogtiisa ma garanayo, horena wakiilka Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in ay Tukaraq ku barakacday 150,000 qof isna 12,000 ayuu sheegay, war isuma hayaan oo iyaga laftooda ayaan malaha meel warbixinta ka wada qaadan, marka ma jiro 12 Kun oo ku barakacay dagaalka Tukaraq inta aanu ka war hayno dhinaca Somaliland,” Sidaas waxa yidhi Cabdikariin Xinif oo Qaxoontiga u qaabilsan Somaliland.

Cabdikariin Xinif oo u warramayay wariye Maxamed Jigland oo ka tirsan Shabakadda Hadhwanaagnews waxa uu sheegay in aanay ogayn dad barakacayaal loo aqoonsan yahay oo Tukaraq ku barakacay “Dad barakacayaal ah oo meelihii ay deganaayeen ka guuray oo meel ku urursani ma jiraan, Tukaraqna dadkii deggana wuu deggan yahay, tiraba laba jeer ayaa raashin loo geeyay haddana raashinkii saddexaad ayaa loo sii wada laakiin, ma jiraan dad inta ay guureen Kaamam lagu hayo oo lagu ururiyay,” Sidaas ayuu yidhi Mr Xinif.

Waxa uu intaasi ku daray in aanay masuuliyiinta wakiilka ka ah Qaramada Midoobay aanay Xogta ka helin Somaliland loogana fadhiyo in ay sheegaan cidda ay xogtaasi ka helaan.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.