Somaliland Oo Ka Jawaabtay Socdaalka Gaas

0
1,098 views
Somaliland Oo Ka Jawaabtay Socdaalka Gaas

Somaliland Oo Ka Jawaabtay Socdaalka Gaas
Hargeysa(Sayruuq) Dawladda Somaliland ayaa cambaaraysay socdaalka madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku yimid magaalada Badhan ee gobolka Sanaag. dawladda Somaliland waxay arrintaasi ku tilmaantay xadgudub dhuleed.
Shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxay Puntland ku eedeeyeen in ay ku soo xadgudubtay Somaliland.

Magaalada Badhan waxa maanta soo gaadhay madaxweynaha maamulka Puntland waana markii u horaysay ee madaxweyne gobolkaas ka taliya yimaaddo.

Socdaal hore Badhan uu ugu yimid wasiirka qorshaynta Soomaaliya ayaa qayb ka ahaa waxyaabaha sababay colaadda Tukaraq haatan ka taaggan.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.