Somaliland Oo ka Hadashay Wiilasha Puntland Lagu Haysto

0
743 views
Somaliland Oo ka Hadashay Wiilasha Puntland Lagu Haysto

Somaliland Oo ka Hadashay Wiilasha Puntland Lagu Haysto

Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay wiil reer Somaliland ah oo lagu afduubay gudaha maamulka Puntland. Wasiir kuxigeenka daakhiliga Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in ay si dhaw ula socdaan arrinta wiilashaasi islamarkaana lagu hawlan yahay soo dayntooda.

Puntland ayaa maanta sheegtay in lagu soo wareejin doono galabta labada wiil  reer Hargeysa oo toddobaadkii hore laga afduubey magaalada Garoowe oo ay ka qaadan lahaayeen Boosaaboorka Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Nuugaal Cumar Cabdilaahi Faraweyne , ayaa sheegay in sii daynta wiilasha ay ka wada shaqaynayeen guddoomiyaha gobolka Togdheer , waxa uu sidaasi u sheegay weriye Maxamed Siciid Yuusuf.

Qoysaska labada wiil oo toddobaadkii hore , warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in loo haysto ku badelashada nin ka soo jeeda Puntland oo ku xidhan magaalada Burco, oo lagu eedeeyay in uu kufsadey gabadh yar oo ay dhashay xaaskiisu , gabadhaasi , ayaa u geeriyootay dhaawacyo gaadhay.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.