Somaliland Oo Ka Hadashay Weftiga Imaaraadka Ee Badhan Jooga Oo Shaki Abuuray

0
802 views
Somaliland Oo Ka Hadashay Weftiga Imaaraadka Ee Badhan Jooga Oo Shaki Abuuray

Somaliland Oo Ka Hadashay Weftiga Imaaraadka Ee Badhan Jooga Oo Shaki Abuuray

Hargeysa(Sayruuq) Wasiirka Gaashaandhigga ee Somaliland Ciise Axmed Xawar ayaa sheegay in xukumaddu ka war qabto wefti ka socda Imaaraadka oo shalay gaadhay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, islamarkaana ujeedkoodu tahay mashaariic horumarineed oo ay degaanka ka hirgelinayaan.

Weftiga shalay gaadhay Badhan waxa qaabilay madaxda dhaqanka oo uu hoggaaminayo Suldaan Siciid waxaana soo baxayay warar ku saabsan in weftiga Imaaraadku si ka madax bannaan xukumadda ugala xaajoonayo dadka degaanka maalgashiga dekedda Laasqoray ee gobolka Sanaag.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa wasiirka waydiiyay waxa uu yahay weftiga Imaaraadku “Waa ha’yaddo khayriya oo mutadawiciina, oo isku tag tagay, oo ka shaqeynayey hawlo ay wadeen horena way u joogeen, maanta (shalay) ayay yimaadeen waana la soconay qorshaha ay u yimaadeen waa mashriicaha khayriga ah ee ay ka wadaan deegaanka.”Sidaas ayuu yidhi wasiirka gaashaandhiggu.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.