Somaliland Oo Ka Hadashay Isbedellada Ka Socda Itoobiya

0
296 views
Weriye ka socda talefishanka BBC qaybtiisa afka ingiriisiga, gaar ahaan wararka Afrika

Somaliland Oo Ka Hadashay Isbedellada Ka Socda Itoobiya

Dawladda Somaliland ayaa sheegtay in aanay isbedellada Dr Abiy Axmed ka wado Itoobiya iyo dalalka la dariska ahi waxba ka bedelin cilaaqaadka Hargeysa iyo Addis Ababa. Xidhiidhka labada dhinac ayaa lagu sheegay mid salka ku haya dano laba geesood ah oo aanay sahlanayn in wax laga bedelo.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire wuxuu sheegay in uu dhawaan kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya islamarkaana aanay wax isbedel ah ku iman xidhiidhka labada dal safaaradda Somaliland ee Addis-na sideedii u shaqaynayso.

Waxa kale oo uu sheegay in ay Somaliland ka dacwootay xarunta maamulka hawada Somaliland iyo Somalia oo Muqdisho loo wareejiyay in kasta oo uu sheegay in wali ICAO gacanta ku hayso. Waxa uu sheegay in ay ku hawlan yihiin dadaallo labada dhinac ku wada maamushaan hawada.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.