Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaalka Tukaraq

0
1,712 views
Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaalka Tukaraq

Somaliland Oo Ka Hadashay Dagaalka Tukaraq

Hargeysa(Sayruuq) Dagaal u dhexeeya Ciidamada Qaranka Somaliland iyo kuwa maamulka Soomaaliya ee Puntland ayaa saaka dib uga qarxay aagga Tukaraq ee gobolka Sool sida uu xaqiijiyay taliyaha guud ee Ciidamada Qaranka Sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo BBC-da la hadlay.

Dagaalka oo ah mid culus wali kama soo bixin tafaasiil ku saabsan khasaare laakiin, waxa la rajaynaya in uu ka culus yahay kii hore uga dhacay aaggaasi.

“Marnaba looma fadhiyin in dawlad Islaam ahi ama dad muslim ahi dad muslim ah xilliyada caynkaasi ah oo bishii barakaysnayd aynu jirno ay weerar ku qaadaan dhimasho iyo dhaawacba dhinac walba ka gaystaan . Hase yeeshee iyagoo mar kale is leh ka faa’idaysta duufaannadii Somaliland ka dhacay ee ay dadwaynaha iyo dawlada Somaliland ku mashquulsan yihiin sidii loo samato saari lahaayeen sidii loo samatabixin lahaa dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay ayay arrintaasi isku dayeen inay Ciidamada Puntland saddex meelood weerar kaga soo qaadeen Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland ,saddexdiiba waa lagu jabiyey guushana waxa leh Jamhuuriyadda Somaliland,” Sidaas waxa yidhi wasiirka warfaafinta Somaliland ahna afhayeenka xukumadda Mudane Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo.

Geesta kale qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in ay caalamka iyo Soomaalida u sheegayaan in Somaliland weerar ku soo qaadday waxaanay ku celceliyeen baaq ku saabsan in shacabka Puntland u diyaar garoobaan difaaca dalkooda.

Sayruuqnews

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.