Somaliland Oo Itoobiya Ka Dalbatay In Loo Soo Daayo Baabuur Lagaga Haysto Jigjiga

0
347 views
Somaliland Iyo Gobolka Soomaalida Oo Ka Wada Hadlay Amniga Xuduudka

Somaliland Oo Itoobiya Ka Dalbatay In Loo Soo Daayo Baabuur Lagaga Haysto Jigjiga
Hargeysa(Sayruuq) Dawladda Somaliland ayaa shalay ku wareejisay dawladda Itoobiya gaadiid dhan 14 oo lagala soo baxsaday Gobolka Soomaalida intii ay rabshaduhu ka socdeen magaalada Jigjiga iyo guud ahaan gobolka. Gaadiidka oo lagu wareejiyay wefti ka socday Itoobiya waxa magaalada Wajaale ku wareejiyay saraakiisha ciidanka iyo masuuliyiin sare oo xukumadda ka tirsan.
Masuuliyiinta ka socday dhanka Itoobiya ayaa si weyn ugu mahadceliyay Somaliland, islamarkaana sheegay in bulshada gobolka Soomaalida iyo Somaliland yihiin dad aan kala maarmin oo isku tiirsan, islamarkaana dhalasho iyo dhaqan wadaag leh.
Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa masuuliyiinta ka socday Itoobiya u sheegay in gaadiid badan oo Somaliland laga leeyahay lagu haysto magaalada Jigjiga, islamarkaana ay doonayaan in loo soo daayo.
“Kornayl waajibkayagii waanu gudanay wixii dambe ee ka yimaadana waanu qaban doona. Waxa aanu jecelahay oo kale baabuur dhawr ah tiro ay yihiin ma hubo e baabuur badan baa lagu haysta jibriga Jigjiga oo halkan laga qaatay ama meelahan laga qabtay oo muddo lagu haystay halkaas. Baabuurta in aad noo dabagasho oo aanu xogtooda idiin soo gudbino qaarna waanu idiin soo gudbinay inta kalena waanu idiin soo gudbine ayaanu doonayna,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Maxamed Muuse Diiriye.
Inta badan maamulkii hore ee Gobolka Soomaalida oo gacan adka ayaa baabuurta laga leeyahay Somaliland ee ka shaqaysa dhulka dadka reer Somaliland dego ee Itoobiya kaxaysan jiray iyada oo inta badan lagu iloobi jiray Jibriga Jigjiga oo lagu xarayn jiray.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.