Somaliland Oo Hambalyeysay Isutaga Imaaradka Carabta

0
937 views
Somaliland Oo Hambalyeysay Isutaga Imaaradka Carabta

Hargeysa(Sayruuq)-bogga lagu wada xidhiidho ee u xagliya dhanka wararka ee Twitterka waxaa haysta qoraalo u badan luuqadda Carabiga oo lagu bogaadinayo dowladda imaaraadka carabta iyo qaabka haanka sareeya ee Madaxweynaha jamhuuriyadda somaliland u soo dhaweeyeen. Bogga Madaxweyne ku xigeenka somaliland ayaa ugu horey mahadnaq balaadhan dusha uga tuuray dowladda imaaradka wuxuun ku bogaadiyey labadda dowladood ee walaalka waa sida uu hadalka u dhigayay waxaanu sheegay in ay markaste u ogsoonyihiin kaalinta muga leh ee ay somaliland ugu jiraan .

waxaa sidoo kale twitterka bogaadintaa mid la mid ah sameeyay wasiiradda Cadaaladda,Maalgashiga, iyo wasiirka distoorka iyo xidhiidhka goalayaasha.

 

Wasiirka Madaxtooayadda ahna Raysal wasaare Xigeenka Imaaradka Carabta ayaa isagu oo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Shalay La Kulmay ayaa isaguna boggisa ku soo qoray waxaan la kulmay madaxweynaha Somaliland kaasi warbaahinta carabta oo dhan xalay si weyn u qaada dhigeen .

Bulshadda somaliland kuwooda ugu firfircoona dhanka Twitterka ayaa iyaguna maanta si weyn u muujiyey ilbaxnimadda iyo soo dhaweynta ay u hayaan dowladda imaaradka cabarabta .

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.