Somaliland Oo Fagaare Caalamiya Lagu Dhalliilay

0
1,044 views
Madaxtooyada Oo Diiday Shaacinta Weftiga Imaaraadka

Somaliland Oo Fagaare Caalamiya Lagu Dhalliilay

Dr Kenneth Menkhaus oo culuunta siyaasadda ka dhigayay jaamacadda Davidson College in North Carolina ilaa 1991 kula xeel dheer arrimaha Soomaalida iyo Geeska Afrika oo uu ilaa 100 maqaal ka qoray ayaa dhawaan hadal uu ka jeediyay kulan uu qabtay machadka caalamiga ah ee Overseas Development Institute oo fadhigiisu yahay Ingiriiska waxa uu ka sheegay halista qabyaaladdu ku hayso Somaliland.

Dr Menkhaus waxa uu ugu horayn sheegay in ay tahay in la aqoonsado dadaalka bulshada Somaliland samaysay rubuc qarnigii ugu dambeeyay oo ay horumar dhaqaale, siyaasadeed iyo xasilooni ka dhaliyeen gobol nugul oo amni darro aafaysay.

Hase ahaatee wuxuu sheegay in muddooyinkii u dambeeyay ay ku soo kordheen mushkilado waaweyn oo dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ah. Waxa uu sheegay in madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo xilligiisii dad kooban oo qoyskiisa ah talada dalku ku ururtay, sidoo kalena ganacsiga aan loo sinnayn lana dareemay musuqmaasuq heerkiisu sareeyo.

Waxa kale oo uu walaac weyn ka muujiyay heerka qabyaaladda oo uu sheegay in halkii markii hore qofku isu yaqaanay reer Somaliland hadda cid walba qabiilkeeda dabada galisay laguna kala hororsanayo wax walba. Waxa uu sheegay in arrintan meel xun la marayso Somaliland, islamarkaana aad mooddo in dhadhankii ama macnihii ay Somaliland u samayn jirtay bulshadu meesha ka sii baxayo waxaanu rajeeyay in arrintaasi ku meel gaadh uun noqoto oo dhawaan laga baxo.

Dhalliilahan ka dhanka ah Somaliland ee badhkood xukumaddii hore lala xidhiidhiyay waa kuwo aanu wax isbedel ah ku samayn madaxweynaha dhawaan la doortay mudane Muuse Biixi Cabdi. Maalmihii u dambeeyay waxa si weyn loo faaqidayay sida uu u qaybiyay kuraasta xilalka uu magacaabay waxaana indhaha lagu hayay boosaska muhiimka ah ee beesha madaxweynuhu hayso iyo sida ay cadka ugu badan u qaateen beelaha Kulmiye ku bahoobay.

Somaliland Oo Fagaare Caalamiya Lagu DhalliilaySayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.