Somaliland Oo Dib U Eegaysa Wada Shaqaynta Hay’addaha Caalamiga

0
94 views
Somaliland Oo Dib U Eegaysa Wada Shaqaynta Hay’addaha Caalamiga

Somaliland Oo Dib U Eegaysa Wada Shaqaynta Hay’addaha Caalamiga
Dawladda Somaliland ayaa dib u eegis ku samaynaysa hannaanka wada shaqayneed ee ka dhexeeya hay’addaha caalamiga ah oo ay ka mid yihiin kuwa Qaramada Midoobay. Xukumaddu ma sheegin waxa ka khaldan wada shaqaynta laakiin, warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dood adag laga yeeshay wada shaqaynta labada dhinac lana go’aansaday in dib u eegis sharciga waafaqsan lagu sameeyo.

“Goluhu waxay dood-dheer ka yeesheen wada shaqaynta hay’adaha UN-ta, iyo kuwa caalamiga ah, ee ka hawl-gala Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay isla qaateen in dib u eegis iyo qiimayn buuxda lagu sameeyo habka iyo hannaanka ay hay’adahaasi uga hawl-galaan dalka Somaliland, iyadoo loo marayo sharciga iyo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,” Sidaas ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka madaxtooyada.

Geesta kale waxa shirka golaha wasiirrada oo uu guddoominayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi lagu sheegay in bulshada lagu dhiiri gelinayo hawlaha iskaa wax u qabsada ah “Ugu dambayn, golaha wasiirraddu iyagoo ka duulaya horumarinta iyo iskaashiga shacabka waxay ku dhiirigelinayaan bulshada Somaliland, hirgelinta, barmaamijyada iskaa wax u qabso ee kobcinaya adeegyada arrimaha bulshada la xidhiidha.”

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.