Somaliland Oo Caddayn Waydiinaysa Imaaraadka

0
858 views
Somaliland Oo Caddayn Waydiinaysa Imaaraadka

Somaliland Oo Caddayn Waydiinaysa Imaaraadka

Wasiirka arrimaha  dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in ay dawladda Imaaraadka Carabta uga fadhiyaan caddaymo ku saabsan qaybta Soomaaliya ka ahayd heshiisyada Somaliland iyo Imaaraadka ee ku saabsan dekedda Berbera.

Wasiirru-dawlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Maxamed Qarqaash ayaa dhawaan sheegay in ay dawladdii hore ee Soomaaliya is fahan kala lahaayeen heshiiska dekedda Berbera, islamarkaana aanay Somaliland ku lahayn safaarad ama qunsuliyad taas oo uu qiil uga dhigay in aanay aqoonsanayn.

Wasiir Sacad waxa uu sheegay in aanu jirin daraf saddexaad oo heshiiska dekedda Berbera ku weheliya Somaliland iyo Imaaraadka waxaanu sheegay in ay Imaaraadka waydiin doonan doorka aanay Somaliland ogayn ee Somalia ku lahayd heshiiska.

“Horta arrinka ku saabsan inaga iyo Imaaraadka iyo inaga iyo DP World  waa heshiisyo aynu laba daraf ku galnay. cid kale oo wax saxeexday ama saxeex meel ku leh ma jirto wax Isfahan ah oo jirana anagu war kama hayno, runtiina in uu tafaahum jiro anagu ma yaqiinsanin,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad oo sheegay in aanay Somalia waxba ka khusayn heshiiska Berbera.

“Runtii bayaan ayaanu jecelahay in ay naga siiyaan arrinkaas waayo arrin jira muu ahayn inta aanu ka ognahay arrinkaasi mid jira muu ahayn, marka waxaanu waydiisanayna bayaan laakiin, waxaad kolayba tixgelisa waxyaabaha afka laga yidhaahdo iyo xaqiiqadu isma waafaqaan. Wacyiga siyaasiga ah ee jira isaga oo tixgelinaya ayaa laga yaaba in qofku yidhaa waxyaabo laga yaabo in aanay xaqaa‘iq ahayn,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland wuxuu ku nuux nuuxsaday in aanay cid saddexaad qayb ka ahayn heshiiska dekedda Berbera, islamarkaana caddaynta arrinkan looga fadhiyo Imaaraadka. Waxa uu sheegay in Somaliland ahaan ay waydiin doonan Imaaraadka caddaymo arrintan ku saabsan.

Bulshada Somaliland ayaa amakaag ka qaaday hadalka wasiirka reer Imaaraad marka loo eego sida loogaga falceliyay baraha bulshada.

Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in madaxweyne Biixi iyo Siilaanyo galeen khiyaamo qaran iyo dastuur jabin, islamarkaana ay tahay in Siilaanyo la hor keeno maxkamad halka uu iscasilaad ugu baaqay Madaxweyne Biixi.

Halkan Guji oo daawo Waraysiga Dr Sacad

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here