Somaliland Ma Dabay Ku Dul Ciyaaraysa?

0
718 views
Somaliland Ma Dabay Ku Dul Ciyaaraysa?

Somaliland Ma Dabay Ku Dul Ciyaaraysa?

Dawladda Somaliland ayaa si weyn u cambaaraysay gantaallo kooxda xuutiyiintu habeenimadii Axadda ku asqaysay waddanka Sucuudiga. Sawaariikhda balaastiga ah ayaa la sheegay in qof Masar u dhashay ku dhintay waxaana lagu sheegay in Somaliland si xooggan u cambaaraynayso dhacdadaas war qoraal ah oo wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland soo saartay.

Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yemen ayaa 7 gantaal ku riday waddanka Sucuudiga kuwaas oo 3 ka mid ah lala beegsaday caasimadda Sucuudiga ee Riyaad. Xooggaga Sucuudiga ayaa sheegay in ay burburiyeen gantaallada lagaga soo riday Yemen. Waxay sheegeen in hal qof ku dhintay burburka gantaallada meel u dhaw caasimadda.

Axaddan ayaa loo arka saddex sanno guuradii ka soo wareegtay markii Sucuudigu faro geliyay dagaalka Yemen ka socda. Isbahaysi Carbeed oo Sucuudigu hoggaaminayo ayaa hawlgalo duqayn u badan ku haya Xuutiyiinta.

Muuqaallo bulshadu duubtay ayaa muujinaya in Sucuudiga hurdo laga ladi waayay xalay sidii cabsi looga qabay gantaalaha isku dul haystay ee Sucuudigu hawada ku beegsanayay gantaallaha Xuutiyiintu soo gantay laakiin, Somaliland oo aan lahayn awoodaha la iskaga caawiyo gantaalaha ridada dheer ayaa u muuqata mid ku faro kulul dagaalka ka socda Yemen.


Isbahaysiga Sucuudigu wuxuu sheegay in gantaallahani yihiin horumar halis ah oo ay samaysay kooxda Xuutiyiintu waxaanay Iiraan ku eedeeyeen in gantaaluhu caddayn u yihiin sida ay xuutiyiinta u hubaynayso.

Dadka ka soo horjeeda saldhigga Imaaraadka ee Berbera ayaa ka digayay in Somaliland ku lug yeelato colaadda Yemen, islamarkaana isku soo jeediso gantaalaha ridada dheer oo xuutiyiintu ku soo eekayn karto.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here