Somaliland: Lacag Dabar Goday Oo Sarrifka Ku Jirta

0
532 views
Somaliland: Lacag Dabar Goday Oo Sarrifka Ku Jirta

Somaliland: Lacag Dabar Goday Oo Sarrifka Ku Jirta

Bangiga dhexe ee Somaliland ayaa maanta bilaabay adeeg ah in uu si maalin leh ah bulshada ula socodsiiyo isku bedelka lacagta doollarka ah iyo shillinka Somaliland. Heerka sarrifku marayo ee bangiga dhexe maanta bulshada la wadaagay waxa ka dhex muuqda lacagta boqolka shillin ee muddaba suuqa lacagta ka sii maqnayd inkasta oo lagu dhex arko siistamka Telesom ee lacagta telefoonka lagu qaato.

Adeeggan ku saabsan isku bedelka lacagaha waxa bulshada lagula wadaagay farriin telefoonka looga soo diray sidoo kalena agaasimaha waaxda lacagta ee bandhiga dhexe ayaa boggiisa Facebook ku shaaciyay in adeeggan ahaan doono joogto.

 

Bulshada ayaa durba bilawday is waydiinta in bangiga dhexe moog yahay in lacagta Somaliland xilligan ugu yar tahay 500 Shilin, islamarkakana xilli hore uu ka baxay 100 shillin iyo wixii ka hooseeye inkasta oo Telesom ku isticmaasho lacagta lambarada ah ee telefoonnada laakiin, lama oga in sarrifka bangigu sheegaya yahay kan Telesom nidaamkeeda maaddaama aanay jirin boqolaal shilin ama lacag ka yar oo xilligan sarrif ahaan la isugu celiyo marka laga hadlayo lacagta Noodadhka Somaliland.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here